U bood dhigaalka

Ilaalinta Xuquuqda dadka danta yar ee Puntland oo la balan qaaday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Taalada Barxadda Garoowe
Taalada Barxadda Garoowe

Guddoomiyaha cusub ee xuquuqul insaanka Puntland ayaa adag u ballan qaaday ilaalinta xuquuqda dadka danta yar ee ku nool deegaanada Puntland.

Maxamed Cali Yuusug oo ah gudoomiyaha cusub ee xuquuqul Insaanka Puntland, shalayna golaha wakiiladu ku doorteen Garoowe, doorasho dhacday kadib ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada uu ku soo baxay oo ay kula tartamayeen labo musharax oo kale oo mid ay haweeney ahayd.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu kasoo bixi doono waajibka saaran iyo howsha loo doortay mas’uuliyadeeda, isaga oo dhanka kale sheegay in mas’uuliyad weyn uu iska saari doono ilaalinta xuquuqda dadka danta yare e ku nool deegaanada maamulka Puntland ka arimiyo.

“Aniga shaqsi ahaan aad baan ugu faraxsanahay in xilkaan la’ii magacaabo, waana xil culus, madaxtinimo meeshaan uma soo doonan, laakiinse waxaan u imid in anoo adeegsanaya aqoonteyda aan shacabka wax u qabto, shaqsi ahaan waxaan isku dayayaa inaan wax u qabto umadda, aan fuliyo nidaamyada xeerarka Xafiiska, sidoo kalena aanu xafiiskaan aanu noqon mid magac soo kordhiye, balse shaqo soo kordhiya” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre ayaa mudane Maxamed Yuusuf Cali ugu hambalyeeyay inuu noqday gudoomiyihii ugu horeeyay oo ay barlamaanka Puntland udoortaan xafiiska xuquuqul insaanka Puntland.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News