U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar oo Adkaatay, Washingtonna Gaarsiisey Farriin Ah Iney Sii Joogeyso

Sheeko:Amniga

Marwo Ilhaan Cumar oo Minnesota ku matasha congress-ka Mareykanka ayaa talaadadii guul weyn ka gaartay tartanka isreebreebka xisbigeeda ee degmada shannaad.

Ilhaan ayaa abuukaataha lacagta lagu harqiyey ee Antone Melton-Meaux ku dhigtay cashar aanu iloobin, waxayna kala heleen gabadha Soomaalida ah oo heshay 57.4% iyo Antone Melton-Meaux oo helay  39.2 %.

Ilhaan Cumar tan iyo markii ay congress-ka  gashay 2018, waxaa lagu bartay iney difaacdo xuquuqda dadka dulman gaar ahaan madow, fuqarada, ardeyda iyada oo cod u noqotay kuwa doonaya deynta ama caafimaad loo simman yahay, waxay dagaal la gashay kuwa danaha gaarka ku sameeya dhaqaalaha, kana macaasha  Washington.

“Gudaha Minnesota, waxaan naqaan sida dadka abaabulan ay uga adkaadaan lacag lasoo abaabulay” waxaa Twitterkeeda ku qortay Cumar.

Ilhaan Cumar ayaa adkaatay iyada oo ay ka soo horjeedeen,  bal ay lacag ku afar jibbaaranta ay siinayeen Mr. Melton-Meaux dadka taageersan Yuhuudda, waxaa kale oo ninka la tartamayey taageeray Star Tribune oo gobolkeeda caan ka ah, laakin intaba waa ka adkaatay.

Goobjoog News