U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar oo Ka Hadashay Xarigeeda

Sheeko:Amniga

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka dalka Mareyka ayaa la xiray, kadib markii taageertay  dibax lagu guubaabinayay in dumarku ay iska soo ridi karaan ilmaha inta ay caloosha ku jiraan, haddii sharci darro yahay, waxaana muuqaalladu lagu arkay xildhibaannadda oo ka qeyb galaysaysa mudaharaadka.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ilhaan lala xiray 16 xubnoon kale oo ka tirasan aqalka Congress-ka, waxaana la xiray xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee maxkamadda sare, iyadoo ka qeyb gashay diidmada haweenka sharcika ilaalinta caruurta inta ay uurka ku jiraan oo dhowaan soo  baxay.

Maanta waxa la i xidhay aniga oo ka qayb qaadanaya fal diidmo shacab ah aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka oo joognay Maxkamadda Sare. Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan u kiciyo qaylo-dhaanta ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka!” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Xildhibaanad Ilhaan ayaa ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Congress-ka, waxaana laga soo doortaa gobolka Minnesota, waxaana xarigeeda uu kusooo aadayaa xilli gudaha Mareykanka ay ka taagan tahay diidmada sharciga ku aadan ilaalinta caruurta inta ay caloosha ku jiraan.

Goobjoog News