U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar Oo Si Rasmi Ah Loogu Dhaariyay Golaha Sharci Dejinta Ee Minnesota

Sheeko:Dalka

Ilhaan Cumar oo ah muwaadinad asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse heysata dhalashada Mareykanka ayaa loo dhaariyay golaha sharci dejinta ee Minnesota iyadoo noqotay muslimaddii 2aad ee Minnesota xilkan oo kale ka qabata.

Ilhaan ayaa dhaarta ka dib barteeda Twitter-ka ku soo daabacday, “Maanta waa xaflad, barrina waxaan dib u balaabaynaa dagaalkeenna aan ugu jirno sidii aan ku gaari lahayn cadaalad bulsheed iyo mid dhaqaale, sidii ay ku heli lahaayeen dhamaan muwaadiniinta Minnesota”.

Ilhaan ayaa markii aheyd 9-jir ah gaartay dalka Mareykanka, kadib burburkii Soomaaliya, iyadoo markii ay 14-jir ahayd ku shaqeyn jirtay tarjumaan dhanka luqadda Ingiriiska ah.

Ilhaan oo hadda ah 32 jir ayaa darajada koowaad ee jaamacadda ka haysta labo shahaado oo kala ah  kulliyadda culuumta siyaasadda iyo kulliyadda daraasaadka caalamiga ah (International Studies) ee jaamacadda North Dakota State University, iyadoo aqoontaasi ay u saamaxday iney si xoog ah uga muuqato dhanka siyaasadda.

August 19, 2016: Xisbiga Dimuriqaadiga ah ee Minnesota, ayaa  Kalsoonidii Musharraxnimo siiyay  ilhan Omar oo iyadu sagaalkii bishaas ku guulaysatay tartan ay wada galeen Phyllis Kahn iyo Maxamud Nuur.

ilhaan-2

 

Goobjoog News