U bood dhigaalka

Ilo La Hadlay Goobjoog: Dhex-dhexaadinta IGAD Ee Galmudug Iyo Ahlu Sunna Waa Midkii Fashilmay Ka Hor Doorashada Xaaf

Sheeko:Dalka

Ilo ku dhaw xafiiska ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in warqadaha dhex-dhexaadinta ee la wad-wado kuwaas oo la sheegayo in dowladda federaalka ah ay IGAD ka codsaneyso dhex-dhexaadinta Galmudug iyo Ahlu-sunna ay run yihiin balse sida taariikhda warqaddaasi ku qoran aaney aheyn codsi cusub oo hadda ah.

Mas’uulka la hadlay Goobjoog News waxaa uu intaa ku daray in codsigaasi uu ahaa shirkii horay bishii April uga dhacay magaalada Muqdisho kaas oo markii dambe burburay, shirkaasi oo ay fududeeyeen urur goboleedka  IGAD.

Hadalkan waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii ay soo baxeen warqado sheegaya in dowladda ay IGAD ka codsaneyso wada hadal siinta maamulka Galmudug iyo Ahu-sunna, arrintaas oo dowladda federaalka ah sheegeyso in wada hadalkaasi uu dhacay ka hor doorashadii madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Goobjoog News