U bood dhigaalka

Ilyaas Gaboose Oo Ka Tirsan Isbadal Doonka 2021 Oo Noqday Senator

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii ugu horeyay ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah :

1: Ilyaas Baddal Gaboose.

2: Maxamed Axmed Sayid

Musharax Ilyaas Baddal Gaboose ayaa noqday senatorkii ugu horeyay ee la doortay kadib markii uu ku guulesytay codad dhan 55  , halka Maxamed Axmed Sayid uu helay dhankiisa 17 cod.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubballand ayaa ku dhawaaqay natiijada, Ilyaas gaboose ayaana ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka.