U bood dhigaalka

Imaam iyo Kaaliyahiisa Oo Lagu Dilay Mareykanka

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Newyork lagu dilay Imaam masjid iyo kaaliyahiisa kadib markii weerar lagu qaaday, arrintaas oo ka careysiisay jaaliyadda Muslimiinta ah gaar ahaa dadka ka soo jeeda Bangaldish.

Imaam-ka iyo ninka kale ayaa lagu dilay sabtidii Ozone Park oo ka tirsan  Queens, Imaamka oo 55 jir ah waxa lagu magacaabaa Maulana Akonjee halka nin kale oo 64 jir ah lagu magacaabo Thara Uddin.

Dad goobjoogayaal ah ayaas sheegay in ay arkeen qof hubeysan oo goobta ka baxsaday, labadooda dagaal ayaa laga toogtay, intaa ayaa la raaciyay.

Goobjoog News