U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Bixineysa Mushaaraadka Ciidamada Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku aadan mushaar siinta ciidamada dowaldda, oo ay bixinayso dowladda Imaaraadka Carabta Maxamed Axmed Cali Cismaan.

Waxaa heshiiskaan Labada dowladood u kala saxiixay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo safiirka Imaaraadka carabta ee Soomaaliya.

Abaanduulaha Ciidmada xoogga dalka Soomaaliya Cali Baashi Maxamed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay u arkaan heshiiskaan, isaga oo sheegay in ka ciidan ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin heshiiskani.

“Waxaa farxad weyn inoo ah maanta ciidan ahaan markaan ka hadlo in aan u fadhinno mushaaraadka ciidanka oo qeyb ka mid ah bixineyso dowladda Imaaraadka carabta, uljeedadeena waxay ahayd in ciidanka mushaar u helno waqti go’an iyo bil go’an oo si joogta ah loo bixiyo, annaga waajibaadka na saaran xagga ciidanka waa inaan helno tirada ciidanka oo sugan, waan ka mahad celinaynaa caawinaadda ay inoo fidisay dowladda Imaaraadka Carabta” ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Safiirka Imaaraadka carabta Maxamed Axmed Cali Cismaan ayaa isna dhankiisa sheegay in dowladiisa ay billaabayso mushaar siinta ciidamada xoogga dalka.

“Imaaraadka carabta waxay sii wadi doontaa, taageerada ay siinayso shacabka Soomaaliyeed, dhawaan waxaa billaaban doona heshiiska ku saabsan mushaar siinta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir dheer oo soo jireen ah, sidaa darteed waan garab taagannahay umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiir cismaan.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa isna dhankiisa sheegay in wax badan ay ka bedali karto xaaladda ciidamada hadii si toos ah loo helo deeqda Imaaraadka.

“In muddo ah waxaa laga hadlayay in ciidamada mushaarkooda uu aad usoo daahay, taasi oo sababtay in su’aallo badan la’iska weydiiyo sida dhibkaasi looga bixi karo, annaga in muddo ah waxaan ka shaqeyneynay sidii aan xal ugu heli lahayn mushaaraadka kasoo daaha ciidamada, waxaa maanta nasiib wanaag ah in dowladda Imaaraadka carabta ay nagu kaalmeyso sida aynu u dabooli lahayn qaar ka mid ah mushaaraadka ciidamada, waxaana aad iyo aad ugu faraxsannahay uguna hanweynnahay in hadda iyo wixii ka dambeeya in ciidamada mushaaraadkooda si joogta ah ay u billaaban doonaan, bilihii soo tagayna iyaga xuquuqdooda ay heli doonaan” ayuu yiri wasiir Fargeeti.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in aysan sii socon doonin mushaar siinta ciidamada ee dowladda Imaaraadka mustaqbalka dheer, balse ay tahay mid lagu taakuleynayo ciidamada inta dhaqaalaha dalka uu liito.

“Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in hoos laga xariiqo in taakuleynta hadda nala siiyay aysan ahayn mid aan ku xisaabtami karno mustqabalka dheer, laakiin ay tahay mid annaga xoogga inta dhaqaalaheena uu liito nalagu taakuleeyo, dowladda Soomaaliya waxay aad iyo aad ahmiyad gaar ah siinaysaa amniga, amnigana waxaa laf dhabar u ah ciidamada in ay xuquuqdooda helaan, laga warhayo, lana taakuleeyo, taasna waa mas’uuliyadda ugu weyn ee dowladda leedahay” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka Maaliyadda.

Hadii mushaaraadkaan ay ciidamada dowladda Federaalka bil walba joogto u helaan, waxaa meesha ka bixi doonta mushaar la’aantii ay ka caban jireen ciidamada dowladda, ama kasoo daahista mushaarkooda.

Goobjoog News