U bood dhigaalka

Imaaraadka Carabta oo Isbitaalka Guurguura Ka Hirgalin-doonta Dalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Imaaraadka “Emirates News Agency (WAM), Dalka Imaaraadka Carabta waxaa uu dhawaan mid ka mid ah degmooyinka Muqdishu ka hirgalin doonaa Isbitaalka guurguura.

Dalka Imaaraadka ayaa sheegay in arintan looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladda Caafimaad iyo dadka bukaanka ah ee magaalada Muqdishu.

Safiirka Dalka Imaaraadka Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi  ayaa sheegay in maalin  Barmaajkan oo kale loo qabtay Ciidamada degmada Cabdi Casis in barnaamijka Isbitaalka guurguura la ballaarin doono Muqdishu iyo dalka si ilaa 300 oo bukaan maalin walba ay caafimaad u helaan.

Isbitaalka guurguura, waxaa uu si lacag la’aan ah ku baaraa, kuna daweeyaa dadka bukaanka ah, Imaaraadka ayaa mashaariic kale ka wada dalka si loogu hormariyo nolosha dadka iyo bilicda magaalada.
— BERNAMA