U bood dhigaalka

Imaaraadka Carabta oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Qorshaha Nabadda Bariga Dhexe Ka Dib Hadalkii Trump Ee Daanta Galbeed

Sheeko:Amniga

Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe.

Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin.

Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel.

Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano.

“Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan nabadda Bariga dhexe

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” waxaana uu yiri.

“Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara.

Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan.

Goobjoog News