U bood dhigaalka

Imaaraadka Oo 89.8 Million Oo Dollar Ku Maalgelin Doona Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Abu Dhabi: Sanduuqa Hor-u-marinta Abu Dhabi ayaa sheegay in AED330 million ($89.8 million) oo Lacag hor-u-marineed ah uu siin doono Soomaaliya.

 

Lacagta Sanduuqan waxaa lagu maalgelin doona arrimaha la xiriira hor-u-marinta sida kaabayaasha dhaqaale iyo gaadiidka.

 

Maalgelintan waxaa ay kaloo ay hor-u-marin doontaa adeegga guud, shaqo abuur iyo soo celinta xasiloonida iyo hor-u-mar bulsho.

 

Sida ay sheegay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka, Sanduuqan waxaa gacan ka geysan doona dhaqaalaha liita ee Soomaaliya sida kor u qaadista dhaqaalaha shacabka, fududeynta heerka nolosha iyo hor-u-mar dhaqaale oo waqti dheer ah in la gaaro.

 

Sanduuqa Taageerada Afrika waxaa uu sheegayaa in xoogga uu saari doono arrimaha dhismaha, ballaarinta waddooyinka iyo dib u habeyntooda, dhismaha buundooyinka iyo ganacsiga iyo waxsoorka ee Soomaaliya in gees ka gees kor loo qaado.

Sanduuqan tan iyo markii la aasaasay 1971-dii, waxaa uu mashaariic illaa 80 Bilyan oo Dollar ah ka hirgeliyay in ka badan 80 dal oo caalamka ah

Goobjoog News