U bood dhigaalka

 Imaaraadka oo Itoobiya u Dhisaya Dekad, $1 billion Ku Bixinaya Jidka Somaliland ilaa Dariskeeda

Sheeko:Amniga

Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World  ayaa waxaa ay $1 billion  ku bixin doontaa dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya.

DP World oo khamiistii heshiis la gashay wasaaradda gaadiidka Itoobiya ayaa waxaa la isku afgartay in ay shirkadda dhisto Dekad qalalan, Sowmacad, Bakhaarro, meel containerada la dhigo, meelo diirran ama wax lagu qaboojiyo ama xataa meel nadaafad.

DP World  ayaa hadda waxaa ay waddaa mashruuc lagu casriyeynayo dekadda Berbera oo ku kacaya  $442 million , kaas oo ay heshay 30 sano 2017-kii.

Shirkadda kale ee Imaaraadka P&O Ports ayaa iyada waxaa ay isla sanadkaas 2017-kii heshay maamulka 30 sano dekadda Boosaaso, waxaa ay ku kaceysaa $336 million.

Goobjoog News