U bood dhigaalka

Imaaraadka oo Markii Labaad Dalka Keeney Gaadiid Dagaal

Sheeko:Dalka

Dowladda Imaaraadka ayaa maanta markale dajiyey gaadiid badan oo kuwa ciidamada ah, waxaana gaadiidka maanta loogu deeqey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Waxa uu gaadiidka isugu jirey kuwa qafilan ee aysan rasaastu karin, Cabdi Billeyaal, Booyado iyo waliba mootooyin, waxaana guddoomey wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha booliiska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Munaasabad ka dhacday gudaha dhismaha safaaradda Imaaraadka ayaa waxaa hadal ka jeediyey safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xumaaddi oo sheegey in dowladdiisa ay ka go’antahay in ay qalabeyso ciidanka Soomaaliyeed si amniga loo xaqiijiyo.

Saanadan militari ayaa imanaysa todobaadyo uu kadib markii Imaaraadka mid tan la mid ah ay u dajiyeen dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhawaan waxaa dalka booqasho ku yimid wasiirka arrimaha dibada Imaaraatka Sheekh Cabdalla Bin Sultan Al-Nahyan oo heshiis iskaashi la saxiixdey dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News

 

7 6 5 4 3