U bood dhigaalka

Imaaraadka Oo Si Xoog Ah Saldhig Militari Uga Sameystay Jaziiradda U Dhaw Soomaaliya ee Socotra

Sheeko:Dalka

Diyaarad Ciidamo Militari Sida oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa todobaadkii hore soo cago-dhigatay jaziiradda Socotra, waxaana laga dejiyay dabbaabado iyo ciidamo la doonayo inay qeyb ka noqdaan isballaarinta Imaaraadka ka wado gobolka geeska Afrika, sidaasi waxaa qortay Reuters.

Sida warbixinta lagu sheegay dalka Imaaraadka oo tiro ahaan 10 Mliyan ah, waa dalka 2aad ee ugu dhaqaalaha badan carabta, waxuuna doonayaa inuu saldhigyo Militari ka furto Soomaaliya iyo Yemen.

Imaaraadka waxaa uu istiraatiijiyad ka dhigtay sida la sheegayo inuu taageero kooxaha iyo maamullada ka soo horjeeda xukuumadaha dalalkaasi ka jira, taasi oo uga soo dari karta dhibaatada jirta.

Jaziiradda Socotra ee hadda uu Imaaraadka saldhigga ka dhigtay waxaa ay aheyd dhul nabdoon, oo u dhaxeeya Carabta iyo Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa inuu la weeraro dhaq-dhaqaada Imaaraadka kadib.

Dalka Yemen oo arrintas qoraal ka soo saaray aya waxaa uu ku eedeeyay Imaaraadka inay qabsadeen dekadda iyo Airportiga Jaziiradda iyada oo intaasi raacisay in Abu Dhabi ay ku cayaareyso amniga Yemen.

Goobjoog News