U bood dhigaalka

Imaaraatka oo Hawada Sare u Diray Dayax Gacmeedkii Ugu Horreeyay ee ay Carabi Sameyso

Sheeko:Dalka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalka Japan ka diray dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee ay Carabi sameyso, waxaa laga tuuray gantaalka (H-IIA) ee dalka Japan.

KhalifaSat, ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee leh qolal nadiif ah, waxaa lagu sameeyay shaybaarada teknoloojiyadda hawada sare ee xarunta Mohammed bin Rashid , dayax gacmeedkan sameyntiisa waxaa loo diiwaangeliyay 5 shahaado oo Patent ee marka wax cusub la curiyo lagu bixiyo.

Dayax gacmeedkan ayaa soo qaadi doona sawirro hawada sare ah oo aad u heersarreeya, halka tartanka Imaaratka ee dunida uu sii kordhinayo dhanka sawirrada hawada sare laga soo qaaado.

Dayax gacmeedkan ayaa sameyntiisu qaadatay 4-sano oo lagu diyaariyay, iyadoo ay soo saareen koox khubaro ah oo ka shaqeysa xarutan Mohammed bin Rashid ee culuumta hawada sare.

Farouk El-Baz oo ah caalim reer Masar ah oo culuumta hawada sare ku takhasusay ayaa sheegay in dayax gacmeedka KhalifaSat ay soo saareen Injineerro Imaaratka u dhashay, waa shaqo caddeyn u ah in Carabtu ay wax qabsan karto, waa dhacdo dhanka mustaqbalka u wanaagsan, waxa uu tilmaamey iney yididiilo u tahay dhalinyarada, waxa uu riixayaa waxsoosaarka, qorsheynta iyo fikirka wiil kasta oo dhalinyara ah oo ka soo jeeda dalalka Carabta.

KhalifaSat, ayaa howshiisu tahay inuu dhulka isha ku hayo oo howlaha gurmadka bani’aadamnimo ee adduunka ka socda uu ka qeybqaato, waana dhacdo lagu tilmaamay in Imaaratka ay ka dhigayso dowalad kaalin ku leh culuumta hawada sare ee weliba heer caalami, waana teknoloojiyad aadanaha loogu adeegayo.

Goobjoog News