U bood dhigaalka

Imaaradka oo mashruuc koronto ka fulinayo dowlad deegaanka Soomaalida

Sheeko:Amniga

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa la filaya in ay dowlad deegaanka Soomaalida ay ka fuliso mashruuc koronta looga dhalinayo cadceedda.

Ra’iiuslwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa heshiis la gaaray dowladda Imaaradka, kaas oo koronta looga dhalinayo Itoobiya, waxaana deegaannada laga fulinayo mashruucaan kamid ah deegaannada Soomaalida iyo Cafarta.

Mashruucaan oo uu Imaaradka maalgelinayo ayaa waxaa ku kaxeyso lacag dhan $400 milyan, waxaana bixin doono lacagtaas Imaaradka Carabta.

Heshiiskaan ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Isu tagga Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Goobjoog News