U bood dhigaalka

Imaaraadka: Midnimada Soomaaliya Waan Taageersannahay…. Berbera Waxaan Kala Hadalnay Dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda  Imaaraadka Carabta,Anwar Maxamed Qarqaash, oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Carabiga ee BBC –da ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Anwar Maxamed mar uu ka hadlayey arrinta ku saabsan heshiiska Berbera waxaa uu tilmaamay in heshiiskan ay la galeen Imaaraadka Carabta dowladdii tan ka horreysay.

Isaga oo ka hadlaya arrinta Berbera waxaa uu yiri “Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaaliya mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”.

Anwar Maxamed  Qarqaash waxaa uu sheegay In Imaaraadka uu Soomaaliya caawinayey muddo ka badan 20 sano loona baahanyahay in Dowladda Soomaaliya arrimaha khilaafka labada dal ay ka gasho wadahadal furan  mar uu arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri .

“Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa. Ma aha in aad qabsato 47 askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa” .

Goobjoog News