U bood dhigaalka

IMF Bilaayiin Dollar Ugu Deeqday Wadamo Ka Hooseeya Saxaraha Afrika.

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceefda lo soo gaabiyo  (IMF) ayaa sheegtay in ay siin doonto $ 11 bilyan 32-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaas oo codsaday caawimaad si aay ula dagaallamaan  cudurka halista ah ee Corona Virus, kaasi oo sameen balaaran ku yeeshay dhaqaalaha wadamada soo koraya.

Dowladda Galbeedka Afrika ayaa kudalbatay taageero bulsho iyo mid dhaqaale oo gareeysa 1.7 tirilyan oo u dhiganta ($ 2.8 bilyan), si ay hortag ugu sameyaan xanuunkan halista ah.

Dhibatooyinka uu sababay COVID 19 waxaa ka mid ah hoos u dhigida canshuuraha shirkadaha iyo ganacsiga yar yar iyo dhimista kharashka sanadlaha ah ee wadamada taagta daran.

Wadanka Ivory Coast ayaa kamida dalalka qaaradda Africa dhaca ee uu saameyey Xanuunka Covid-19, waxaana uu diiwaangaliyey 688 qof oo qaba Cudurkan, halka 193 kamida ay kasoo kabsadeen, waxaana u geeriyooda Fayruskan 6 ruux.

Goobjoog News