U bood dhigaalka

IMF Oo Ammaantey Heerka Kobaca Dhaqaalaha Soomaaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ammaantay heerka kobaca dhaqaalaha Soomaaliya kadib saraakiil ka socotey hay’addaasi oo magaalada Nairobi kula kulmay wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti.

Waxay sheegeen saraakiishan in habka dhaqaale ee Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadda dalka ay caadi kusoo laabanayaan.

Saraakiishan ayaa magaalada Nairobi u jooga qiimeyn, si ay dib u eegis ugu sameeyaan heshiis wada shaqeyn ah oo ay la galeen dowladda Federaalka, kaa oo ku saabsan la socoshada xaaladda dhaqaale iyo kan shaqaale ee dowladda.

Waxay sidoo kale madaxdan ka socda IMF ay eegayaan xaaladaha isbedallada dhaqaale ee Soomaaliya iyaga oo qiimeyn ku sameyn doona nidaamka dhaqaalaha dalka, waqtiga fog iyo ka dhowba, si fogna waxay qiimeyn ku sameynayaan dib u habeynta lagu wado sida uu u shaqeynayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo siyaasadda kobaca dhaqaale iyo kuwa maaliyadda ee dalka.

IMF ayaa soo dhoweysay sida ay Soomaaliya uga go’antahay iney u qaabeyso dhaqaalaheeda iyo waliba tallaabooyinka saxidda ah ee illaa iyo iminka la qaadey.

Kulan ay hay’adda lacagta adduunka sheegeen iney la yeesheen mas’uuliyiinta maaaliyadda Soomaaliyeed ayeey tilmaameen in ay arrintan ugu hambalyeeyeen.

IMF waxay sheegtay inuu jiro horumar laga sameeyey heshiis ay horey ula gashay Soomaaliya, waxayna tilmaantay iney aad ugu faraxsan yihiin wada shaqeynta xilligaan u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo sanduuqa dhaqaalaha adduunka, waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya u heelan tahay iney wanaajiso hay’adaheeda maaliyadda.

Qubaro ka tirsan IMF waxay sheegeen in sanadka soo socda in heerka kobaca dhaqaale ee Soomaaliya la is tusey inuu gaari karo 3.7%, waxaana heerkan la gaari karo loo tiirinayaa baa la yiri horumarka dhanka Isgaaarsiinta, dhismaha iyo adeeg bixinta.

Goobjoog News