U bood dhigaalka

IMF Oo Lacag Ugu Deeqday Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siinayo si loogu taageero cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

Lacagtan oo  gaaraysa $0.97 milyan oo dollar, ayaa qeyb ka ah  kaalmada Saaxibada caalamka ay Soomaaliya ugu deeqayaan si qeyb uga noqdaan Barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya .

Deeqdaan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd Hanaanka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya

Kaalmadan ayaa socon doonta 25 Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 iyadoo la filayo in muddadaas ay Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta.