U bood dhigaalka

IMF: Soomaaliya Waxay yeelaneysaa Lacag Cusub Inta Lagu Guda Jiro Sanadkan

Sheeko:Dalka

IMF sanduuqa lacagta adduunka ayaa Soomaaliya ka taageeraysa lacag cusub oo lasoo daabacay inta lagu gudajiro sanadkan 2017.

Samba Thiam oo ah madaxa IMF ee gobolka, ayaa sheegay in shilin Soomaaliga cusub la soo daabici doono isla sanadkan, iyadoo ay jirto in doolarka uu yahay lacagta salka u ah waxbixinta, lacagtan cusub ayaa lagu bedeli doonaa lacagtii hore ee dhamaadka sii ah, mudada 30 sano ahna lagu soo dhaqmayay.

“98% lacagta la isticmaalaa waa mid aan been abuur ah, 2% ayaa  ka hartay lacagihii lasoo daabacay sanadadii 1990-1991 oo waliba xaaladeedu ay aad u adag tahay”, ayuu yiri Thiam oo wareysi lala yeeshay Jimcihii la soo dhaafay.

Daabacaadda lacagtan cusub ayaa noqoneysa mid laga bilaabo lacagaha qiimahoodu yaryar, iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in dib loosoo celiyo awooddii Bankiga dhexe ee jiheynta siyaasadda dhaqaale ee dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Samba Thiam,  in IMF ay garabsiin doonto sidoo kale, Bankiga dhexe si uu u nidaamiyo oo uu majaraha ugu qabtay siyaasadda maaliyadda,  si maalgashadayaal cusub ay Soomaaliya u hesho, Soomaaliya waxaa ka jira, ayuu yiri,  6 Bank iyo 12 shirkadood oo xawaaldo ah.

Dadka Soomaaliyeed ee qurbajoogga ah ayuu ku sheegay iney Soomaaliya usoo diraan 2.3 Bilyan oo dolar sanadkii, iyadoo uu tilmaamay in lacagahaasi ay intaa kasii badan karaan.

Waxa uu ugu baaqay madaxweyne Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu la dagaalamo musuqmaasuqa ragaadiyay Soomaaliya ee ka dhigay iney noqoto dowladda ugu musuqamaasuqa badan dunida, sida ay sheegtay Transparency International oo dagan Berlin Jarmalka.

Goobjoog News