U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? : Tirada Dadka La Diley Bisha February 2016

Mar kale iyo qormadeenii joogtada ah ee Imisaa La Diley, taasi oo bil kasta dhamaadkeeda aan kusoo bandhigno tirada dadka la diley Soomaaliya, inta ay Goobjoog ka warheyso ama diiwaangalisey.

Sida ku cad tirakoobka aan samaynay dilalka bishani dhacay waxaa ay dadka la dilay ay gaarayaan ilaa 134 qof halka dhaawacyada ay kor u dhaafeen ilaa 104 qof, tiradan ayaa ka badan bilihii hore Hadaba dadkii la diley, goorta la diley , meeshii lagu diley iyo dhamaan xogihii aan ka helney waxaan kusoo koobnay xagga hoose.

February 1, 2016: Hal qof ayaa dhintay, 7 kale waa ku dhaawacantay duqeyn hoobiyeyaal oo ku dhacday degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

February 2, 2016: 2 qof ayaa ku dhimatay dibad baxyo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha maamu goboleedka Puntland.

Dadkan ayaa la sheegayaa in ay ka soo horjeedeen siyaasadaha maamulka Puntland, sida uu xaqiijiyay weriyaha Goobjoog News uga soo warama halkaas.

Wararka waxaa ay sheegayaan in labada dhimatay uu ku jiro nin Booliis ah, halka 7 kale ay ku dhaawacmeen isku dhaca oo ka dhacay xarunta Booliiska degmada.

February 2, 2016: Qaraxii diyaaradda Daallo, 2 dhaawac iyo mid dhimasho, Qaraxa waxaa loo adeegsaday Laptop laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, duuliyaha ayaa ku guuleystay in uu diyaaradda uu dib ugu soo celiyo Aden Cadde International Airport.

February 2, 2016: Qarax gaari ayaa ka dhacay Degmada Xamar Jajab Ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxu uu ahaa mid jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah Caasimadda.

Xasan Shire oo ka tirsan hay’adda samafalka ee Sharba, ayaa waxaa uu ka badbaaday qaraxaasi, markii loogu soo xiray gaarigiisii gaarka ah.

February 2, 2016: Ganacsade lagu dilay magaalada Boosaaso, Xersi Adan Uruurshe waxaa uu caan ka ahaa Bossaso, waxaa  kale uu madax ka ahaa Hubaal trading company.

February 4, 2016: Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaare ka dhashay, Qof gaari wata ayaa la sheegayaa in uu shil gaari ugu dhintay wadada 21 October ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa gaarigiisa waxaa uu ka baxay wadada, waxaana la sheegay in uu Tabeello la galay gaariga, lama oga sababta rasmiga ah.

Feberaayo 05, 2016: Ugu yaraan seddex ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa ku Geeriyooday  Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho, Xilli ay socdeen maalmahan baaritaanka qarax diyaaradeed oo dhacay, sida ay Warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya.

February 5, 2016: Qof ayaa lagu dilay halka lagu dhaawacay mid ka mid ah hay’adda sirdoonka qarank, dhacdadan ayaa dhacday kadib markii qarax lagula eegtay Wadajir.

February 5, 2016: Boorame oo qarax ka dhacay, 3 ciidamo ah ayaa ku dhimatay.

February 6, 2016: Ciidan ka tirsan dowlada ayaa ku dhintay weerar ka dhacay, wereerarka ayaa ka dhacay xarun ay SNA military base in Bufow locality of Bufow.

Kooxaha ka soo horjeeda dowladda ayaa la wareegay Cam-ka iyagoo halkaas ku dilay mid ka mid ah hogaameyeyaasha.

February 6, 2016:  dagaal ka dhacay Bulla-Gaduud, Yoontoy oo ka tirsan  Abdala ee dowladda Jubbalabd ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ilaa 5 qof.

Dagaalka waxaa uu dhex maray ciidamo daacad u ah maamulka Jubbaland ioo AMISOM taageero ka helaya iyo Al-shabaab.

February 6, 2016:  Cabdulahi Dabashe oo ahaa madaxa sirdoonka degmada Dharkenley ayaa la toogtay isagoo gaarigiisa wada, Marxuumka oo lagu dilay wadajir lama oga cidda dishay iyo sababta loo dilay.

February 7, 2016: Haweeney ayaa ku dhimatay 4 kale waa ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Qoryooley.

February 7, 2016: Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaasi oo la sheegay in loogu xiray gaarigiisa. Sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ammaanka Degmada Baardheere Xasan Maxamed Xasan, Taliyaha ayaa dhaawac uu ka soo gaaray Qaraxaasi lagu xiray gaarigiisa, xilli Magaalada uu ku sugnaa.

February 8, 2016:  Sida uu sheegay dabayaaqadii bishii February, Ciidamada Kenya ayaa sheegtay in ay duqeyn ku dileen Mahad Karate oo ka tirsan saraakiisha ugu sareysa Xarakada Al-shabaab February 8, Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay dileen ilaa 10 kale.

February 9, 2016: Nin ayaa lagu gowracay magaalada Buulo-Barde, Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Deegaan lagu magacaabo Jameeco Mubaarak oo ku yaallo duleedka Degmada Buulo burde, waxaa xalay Saqdii dhexe halkaasi lagu gowracay nin Sheekh ahaa oo si weyn deegaanka looga garanaayay. Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Sheekh C/laahi Sheekh C/casiis, ayaa lagala soo baxay gurigiisa oo deegaanka ku yaallo,

February 10, 2016: 2 dhimasho, 5 dhaawac israaseyn dhex martay ciidanka dowladda Federaalka.

February 10, 2016: Dagaal ku dhex maray  Baardheere labo ciidan oo ka wada tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay hal qof halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa dhacay markii koox ka mid ah ay dooneysay in koox kale ay hubka ka dhigto, waxaa ay arrintaas ka dhacday Suuqa Khaat-ka ee magaalada.

February 12, 2016: Farxiyo Fantastic ayaa lagu dilay, raga dilay farxiyo waxaa aano kala dhaxeysay ninkeeda taasoo keentay dilka Farxiya

February 13, 2016: Hal qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii ciidamada dowladda federaalka ee ku sugnaa Marko lagu weeraray Bam gacmeed.

Bam-ka waxaa lagu tuuray ciidanka xilli ay ku jireen rondo iyo howlahooda caadiga ah ee nabad ilaalinta, hal askari ayaa halkaas ku dhaawacmay.

February 13, 2016: qof ayaa ku dhintay dagaal dowladda iyo Al-shabaab ku dhex maray Buurweyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

February 12, 2016: Dhaawacyo ka dhacay saldhig Booliis, arrintan ayaa timid kadib  markii labo Askari ay ku dhaawacmeen Qarax bambaano lagu weeraray Fariisin ay Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Baryar oo ku taalla Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

February 13, 2016: Qof shacab ah ayaa lagu dilay deegaanka xawaadley, Shabeelada dhexe, askari ayaa dilay.

February 14, 2016: Ilaa 10 qof ayaa ku dhimatay dagaal dowladda iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaanka Buurweyn oo ka tirsan Hiiraan, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay Cabdi Casis Durow oo ah guddoomiyaha degmada Buulobarde.

February 14, 2016: Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Booliska ayaa Degmada Afgooye wuxuu ku toogtay nin Sarkaal ahaa oo ciidamada Booliska ka tirsanaa.

Ninkaan Sarkaalka ah iyo Askariga ayaa la sheegay inay murmeen, kadibna uu rasaas la dhacay, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta dhanka ammaanka Degmada Afgooye.

Sarkaalka la dilay, ayaa magaciisa lagu soo koobay Saciid, waxaana goobta ka baxsaday Askarigii falka dilka ah geystay.

February 15, 2016: Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii gaarigiisa lagu qarxiyay meel u dhaw Isbitaalka Xanaano ee Magaalada Muqdisho.

February 15, 2016: Rag hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay xalay hooygiisa kala baxeen nin dhallinyaro ahaa oo ku noolaa Deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Khamiistii la soo dhaafay ay la wareegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

February 15, 2016: Wiil iyo hooyadii lagu dilay Suuq Bacaad, Labada Ruux ee dhintay oo ahaa Wiil iyo Hooyadiis ayaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Maxamed (Axmed Duuni iyo Xaawo Macallin, iyadoo Weerarka lagu dilay uu yimid kadib markii Gaarigooda lagu horgoooyay mid kale oo ay wateen Dabley hubeysan.

February 15, 2016: Al-shabaab ayaa soo weeraray Afgooye, Khasaare ayaa goobta ka dhashay.

February 15, 2016: Wasiirka gashaadhiga oo la dilay iyo nin kale oo la dhaawacay qarax lala beegsaday gaariga wasiirka, qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka KM 4 ee magaalada Muqdisho.

February 16, 2016: Hal qof ayaa lagu dilay xaafadda Ceelqalaw ee Wadajir kadib markii gaarigiisa lagu horgooyay gaari kale.

February 16, 2016: Ururka Al Shabaab, ayaa maanta xukun dil ah waxaa uu ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen basaasnimo, waxayna toogashada ka dhacday Fagaare ku yaalla Deegaanka Ceelwarre Ee Gobolka Hiiraan. Barre Xasan Dhoore oo 48 jir ahaa, ayay Maxkamadda Al Shabaab ku xukuntay xukun dil ah, ka dib markii ay ku eedeysay inuu la shaqaynaayay Ciidanka dowladda

February 16, 2016: Ugu yaraan 3 rayid ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii dagaal uu ku dhex maray wadada Maka Al-Mukarama ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwo ilaalo ahaa oo kala shakiyay.

Qof Goobta joogay ayaa Goobjoog News u sheegay in xabadaha ay socdeen ilaa 10 daqiiqo.

February 17, 2016: Qof deegaanka ah ayaa laga afduubay Buulo-Barde iyadoo meydkiisa la helay, jirkiisa waxaa ka muuqday ilaa 4 xabad.

Cabdi Casis Duurow oo ah guddoomiyaha degmada Buulo-Barde ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay dilka ninkaas, isagoo intaa raaciyay in ninka la dilay aan u shaqeyn jirin dowlad ama NGO midna.

February 18, 2016 Dagaal Al-shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray Buurhakaba ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7 qof.

Cali Xassan Cabdi oo ah Guddoomiyaha Burhakabo ayaa Goobjoog News u sheegay in dhacdadan ay timid markii ciidamada Itoobiya ay gaadeen kuwa Al-shabaab.

February 20, 2016: Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa Qarax bam waxaa lagula eegtay Gudaha Magaalada Marka, xilli ciidamada ay dhexmarayeen Magaalada gudaheeda xalay.

February 20, 2016: Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabellada Hoose Xasan Barre Maxamed ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo la sheegay inuu ka dhacay gudaha xafiiskiisa.

Guddoomiyaha ayaa damacsanaa inuu xilligaasi xafiiskiisa galo, hase ahaatee markii uu albaabka furay ayaa la sheegay in uu qaraxa dhacay.

Xuseen Barre, gudoomiyaha degmada Baraawe oo Goobjoog News qadka taleefanka ugu warramay waxa uu sheegay in xaaladda guddoomiyaha ay fiican tahay oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

February 21, 2016: Ilaa 5 qof ayaa ku dhintay dagaal Al-shabaab iyo dabley deegaanka ah ku dhex maray deegaanka Adaley oo ka tirsan Mudug.

Febuary 22, 2016: Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askartaan dagaallantay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidanka 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo dagaalkoodana uu ku billowday sida la sheegay markii ay isku qabsadeen raashin.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi oo socday ku dhawaad saacad ku dhaawacantay 3 askari, waxaana mararka qaar la maqlayey iyaga oo isku adeegsanaya rasaasta culus sida qoriga dhashiikaha loo yaqaano.

February 22, 2016: Shil gaari oo ka dhacay Adaan-Lahey oo ka tirsan Shabeelada dhexe waxaa ku dhintay hal qof halka ay ku dhaawacmeen ilaa 10 qof, sababta waxaa lagu sheegay Bas-ka oo xowli ku socday.

February 23, 2016: Dagaal ku dhex maray Ciidamado ka tirsan Dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa ka dhacay duleedka Kismaayo, Inta la xaqiijiyay 2 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

February 24, 2016: 3 Akari ayaa ku dhimatay dagaal ciidamada dowladda ku dhexmaray Baydhabo, ugu yaraan 4 kale ayaa ku dhaawacantay,

February 24, 2016: Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan inay halkaasi ku dileen nin Darawal ahaa. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo dadka deegaanka ah dableydaan hubaysan ayaa toogtay Darawalka, xilli uu ka dhaga adeegay inuu bixiyo Qarash lagu qaadaayay goob ay taallay Isbaaro oo gaadiidka ay maraan., ninkan oo wadey Mini Bas ayaa ku soo jeeday Xamar.

February 24, 2016: Dadka Deegaanka Oodweyne ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay saaka markii ay soo tooseen inay arkeen meydka Wiil Dhallinyaro ahaa oo dhex yaalla Xaafadda. Wiilkaan dhallinyarada ahaa ayaa jirkiisa waxaa ka muuqanaayay tooreey iyo Xarig in lagu dilay, waxaana qaybo ka mid ah jirkiisa ku yaallay, dhaawacyo loo geystay. Lama oga cida ka dambeysa dilka Wiilkaan dhallinyarada

February 24, 2016: Nin ka soo baxay Masjid ayaa lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, lama oga cidda dishay iyo sababta.

February 24, 2016: Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, labo ruux ayaa lagu gowracay Deegaanka Xujuub oo ku yaallo Duleedka Magaaladaasi.

Labadan ruux ee la gowracay goor habeen ah ayaa meydkooda la helay maalintii dambe. ayaa la sheegayaa inay yihiin dadka Deegaanka, balse xalay halkaasi lagu gowracay oo saaka markii dadka ay soo tooseen ay arkeen maydadka labada ruux ee la gowracay.dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan garan karin cida ka dambeysa falkaan gowraca ah ee loo geystay labadaasi nin.

February 25, 2016: 3 ayaa ku dhimatay halka 6 kale ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday Muqdisho, dadka waxyeelada soo gaartay waxaa ka mid ah Macallin dugsi iyo carruur aad u yar.

February 26, 2016: Qarax ayaa ka dhacay  Hotel SYL, 45 qof ayaa dhaawacmay halka ay ku dhinteen 10 qof, wararka waxaa ay sheegayaan in labo qarax ay ka dhaceen halkaas.

February 26, 2016: Diyaarado ay leeyihiin Kenya ayaa duqeyn ka sameeyay agagaarka Baardheere, ugu yaraan labo qof ayaa duqeyntaas ku dhimatay, dadka dhintay waxaa ay ahaayeen rayid, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay dadka deegaanka.

February 27, 2016: Haweeney ayaa lagu dilay Sinaay, Kooxo hubaysan ayaa xalay Isgoyska Siinaay ee Degmada Wardhiigleey ku toogteen haweenay la sheegay inay ganacsato aheyd. Haweenaydan ayaa la dilay, xilli ay doonaysay iney aado goob ganacsi oo ay ku lahayd Isgoyska Siinaay inay xirto, waxaana rasaas la dhacay Kooxo hubaysan oo aanan la garaneyn haybtooda. Raggii hubaysnaa ayaa meesha ka baxsaday.

February 29, 2016: Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay  labo bambaano waxaana sheegtay Alshabaab gaar ahaan hoteel aad u mashquul badan oo laga cunteeyo degmada Baydhabo, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay barasaabka gobolka Baay

“Tirada rasmiga ah ee dhimashada ayaa gaareysa 30 illaa 61 kalena way dhaawacmeen, 15 ka mid ahna dhawaacooda waa halis,” C/rashiid C/llaahi, oo ah guddoomiyaha Gobolka Bay ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.