U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii April 2015

Goobjoog News ayaa diiwaangalisay dambiyada iyo shilalka ka dhacay dalka bishii April 2015-ka.

Sida ku cad tirakoobkan aan sameyney illaa 70 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad 38 qof ah ay dhaawacmeen .

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda.dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween iyo saxafiyiin. Waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkoodu sida haweenka  oo aan horre loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha April oo taariikheysan. Magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

 

April  1, 2015: Ciidan la sheegay in ay ka mid yihiin maamulka la magac baxay Westland State ayaa waxa ay  Laba nin ku dileen xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, gaar ahaan Laanta Hilaac.

April 1, 2015: Askari boolis ah ayaa wiil dhalinara ah ku dilay, suuqa Bakaaraha isagoo sheegtay inuu ka shakiyay.

April 2, 2015: Meydka gabar oo laga helay degmada Huriwaa. Maamulka dagmada ayaa gacanta ku haya.

April 4, 2015: Laba nin, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay xaafada Nasteexo, degmada Wadajir.

April 6, 2015: Askari ka tirsan ciidamada militariga Somaliland ayaa ku dilay duleedka magaalada Laascaanood ee Gambadha askari kale, halka askari kalena uu ku dhaawacmay kaddib markii khilaaf uu soo dhex-galay.

April 6, 2015: Lab nin ayaa lagu dilay magaalada Dhuusamareeb. Ninna waa lagu dhaawacay.

April 7, 2015: Gabar dhalinyaro ah baa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay xaafada Garsoor magaalada Gaalkacyo, todoba qofna wey ku dhaawacmeen. Qaraxa waxaa lala beegsanayay gudoomiye ku xigeenka wuuse ka badbaaday.

April 7, 2015: Koox hubaysan ayaa  xaafada Cali Kamiin ee dagmada Wardhiigley ku dilay nin injineer ah oo lagu magacaabo, Cabdulaahi Cali Barre oo la sheegay in uu katirsanaa mid kamida hay’adaha caalamiga ah.

April 9, 2015: Waxaa magaalada Garoowe wiilkeedu ku  dilay Aamina Abiib Cilmi, oo ahayd xaaska madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, C/raxmaan (Faroole).

April 10, 2015: Wariye ka tirsan warbaahinta dowladda oo lagu magacaabo Farxaan Suleymaan Daahir ayaa  lagu dhaawacay xaafadda KPP ee degmada Hodan.

April 11, 2015: Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa lagu dilay dagmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid dhexdooda.

April 14, 2015: 18 qof ayaa ku dhimatay 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay xarunta wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare, degmada Hodan ee Magaalada Muqdishu.

April 18, 2015: Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa lagu dilay xaafada Taleex dagmada Hodan. Waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Xaaji Xuseen.

April 18, 2015: Labo askari ayaa lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdishu.

April 19, 2015: Askari ayaa lagu dilay mid kalana waa lagu dhaawacay magaalada Dhuusamareeb.

April 20, 2015: 10 qof oo u badnaa shaqaalaha UN ka ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Garoowe.

April 20, 2015: Nin bajaaj le ahaa ayaa lagu toogtay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Ninkan waxaa dilay Ciidamo la sheegay in ay ka tirsanaayeen dowladda.

April 21, 2015:  9 qofood ayaa ku dhintay  iyo 7 kale ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay Maqaahida Banooda ee kasoo horjeeda Hotel Cenrtal ee magaalada Muqdishu, Qaraxan waxaa lagu soo xiray Gaari.

April 21, 2015: 5 ayaa ku dhimatay dagaal u dhaxeeya labo beelood oo ka dhacay degmada Taleex, gobolka Sool. iyadoo sidoo kale halkaasi dhaawac uu kasoo gaaray dad intaasi ka badan.

April 25, 2015: Xildhibaan ka tirsanaan jiray baarlamaankii KMG ahaa ayaa lagu dilay suuqa Bakaaraha, waxaa magaciisa  lagu sheegay Xaaji Cali Aadan, waxaana lagu dilay agagaarka halka lagu magacaabo Cabdalla Shideeye.

April 25,2015: Askari iyo qof rayid ah ayaa lagu dilay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, arintan ayaa ka dhalatay cashuuro halkaas laga qaado dadka, waxaa la sheegay in askariga ay dileen dadkii uu ka dhashay ninka rayidka ah ee la dilay iyagoo isbitaalka kala baxay askariga oo dhaawac ah kadibna toogtay.

April 26, 2015: Kooxo Hubeysan ayaa ku dilay agagaarka isgoyska KPP ee degmada Hodan sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta oo lagu magacaabayay G/Dhexe C/llaahi Kamaal Ismaaciil.

April 26, 2015:  Xamar jajab ayaa lagu dilay nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdi oo ka tirsanaa maamulka degmada.

April 26, 2015:  Gudoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Dayniile oo lagu magacaabayay Ibraahim Maxamed Bariise ay kooxo hubeysan ku dileen degmadaas.

April 28, 2015: Labo haween ah ayaa ku dhaawacmay qarax lugu xiray gaari oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Qaraxan waxaa lugu xiray gaari uu watay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ah madaxa hay’adda Nordic international Support oo Gaalkacyo ka hirgalisay nalalka ku shaqeeya cadceedda.

April 29, 2015: Wariye Daa’uud Cali Cumar, Xaaskiisa iyo nin kale ayaa lagu dilay Magaalada baydhabo, dabley ayaa kusoo weeraray wariyaha gurigiisa.

April 29, 2019:. Hal qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad dad gaaraya Shan ay ku dhaawacmeen qarax Bam oo ka dhacay magalada Boosaaso. Qaraxan ayaan ka dhacay goob ay dad badan isugu yimaadeen.

April 29, 2019:. Sarkaal ka tirsan hay’adda QM ee FAO oo u dhashay dalka Spain iyo dirawalkiisii oo Soomaali aha ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.