U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii April 2016-ka

Waa Mar kale iyo diwaanka dadka ku waxyeeloobay Soomaaliya bishii tagtay, Goobjoog News ayaa diiwaangalisay Dambiyada iyo Shilalka ka dhacay dalka bishii April 2016-ka intii aan haleelney.

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha April oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

April 2016-ka: 

On April 2, 2016:  Ciidamada Huwanta ayaa la sheegayaa in Jannaale ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab,  Abdirashir Bugdube ayaa Magaciisa lagu sheegay.

April 3, 2016: Dhowr madfac ayaa ku dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee degmada Warta Nabadda, ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacantay, dadka ayaa ahaa rayid.

April 4, 2016: Oday ayaa lagu dilay Boosteejada Dharkeyleyn  xilli uu gaari raacayey, waxaa kaloo halkaas ku dhaawacmay qof gaariga dhex fadhiyay.

April 5, 2016: Waxaa Xamarweyne lagu weeraray gaariga Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye, darawalka iyo mid ilaalada xildhibaanka ayaa halkaas ku dhintay halka Xildhibaanka iyo mid kale oo ilaaladiisa ah uu dhaawacmay.

April 5, 2016: AMISOM ayaa sheegatay in illaa 6 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab  ay Axaddii ku dileen shabeellada hoose, hadalkan ayaa imaanaya saacado kadib markii AMISOM iyo ciidamada dowladda Federaalka la wareegeen Jannaale.

April 7, 2016:  Marxuum Cismaan Daahir Xuseen oo ahaa 50-jir ganacsade ah oo Bakhaaro ku haystay  Hargeisa ayaa lagu dilay Xaafadda Isha Boorama ee Hargeisa, Ciidamada Booliiska ayaa ninka dilaaga ah Mawliid Cabdi Faarax oo Dayib.

April 7, 2016: Goor habeen ah, Madfac ayaa ku dhacay Xaafadda Xamar Jajab: Madaafiicdan oo ahaa Hoobiye ayaa abaare Salaaddii Maqrib waxay ku dhaceen degmadaasi, iyadoo la xaqiijiyey Geerida Labo qof oo mid ka mid ah yahay ruux Madaxa looga jiro, sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay dad ka badan 10 qof.

April 7, 2016: Is rasaaseyn ayaa ka dhacay isgoyska Shaqaalaha ee Waaberi, hal qof ayaa ku dhaawacmay, khasaare kale ayaa la sheegayaa.

April  9, 2016: Waxaa Toorey lagu dilay  Maxamed Daahir Iimaan oo sodan jir ah, waxaana dilay gacan ku dhiigle  Cabdifataax Aadan Maxamud oo isna sodon jir ah, ciidanka amaanka Somaliland ayaa ninka qabtay.

April 9, 2016: 3 ayaa ku dhimatay 5 kalana waa ay ku dhaawactay gaari ku qarxay maqaahi horteeda, maqaahida Rajo waxaa ay ku taalaa degmada Shibis ee waqooyiga Muqdisho.

April 9, 2016:  Deegaanka Garasweyne waxaa lagu dilay Nabadoon Axmed Xuseen Maxamud oo caan ka ahaa deegaanka, waxaa dilay koox hubeysan.

April 10, 2016: Waxaa Magaalada Laascaanood lagu dilay  nin ay walaalo yihiin Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Somaliland.

April 11, 2016: Qarax ayaa waxaa uu ka dhacay (Visha Governo) gaar ahaan Maqaahida Al-hindi, maamulka gobolka Banaadir waxaa uu xaqiijiyay in ay ku dhinteen ilaa 5 qof.

April 13, 2016: Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Canshuuraha, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Afgooye, wararka waxaa ay intaas ku darayaan in 10 kale ay ku dhaawacmeen.

April 14, 2016: Dagaal dhul daaqsin ah ka bilowday ayaa ka dhacay duleedka Baladweyn, 3 qof ayaa ku dhimatay halka 2 ruux wax ka badan dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Xaafadda Howl-Wadaag.

April 14, 2016: Baladxaawo waxaa la sheegayaa in la weeraray Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan, xabado ay ciidankiisa fureen waxaa ku dhaawacmay ilaa 2 qof halka qarax guriga Xildhibaanka ka dhacayna ay qof haweeney ah ku dhaawacantay.

April 16, 2016: AMISOM ayaa la sheegayaa in 4 qof oo rayid ah ku dileen Buulo mareer oo ka tirsan Shabeelada hoose,

April 16, 2016: Koox hubeysan ayaa goor habeen ah dishay Cibaado Cali Cagla oo ahayd Haweenay 70 jir ah, taasi oo xalay gurigeeda ay ku dileen rag hubaysan oo Bistoolado watay, dilka waxaa uu ka dhacay Sey Biyaano ee Degmada Hodan.

April 17, 2016: Koox hubeysan ayaa dilay gabar halka walaasheed ay dhaawaceen degmada Dharkeynley ee Muqdisho,  labo Hablood oo lagu kala magacaabo Fowsiyo Jamaal Hassan Hilowle oo ah Gabadha geeriyootay iyo Shankaroon Jamaal Hassan Hilowle oo ah Gabadha dhaawaca ah.

April 18, 2016: Rag hubeysan ayaa labo qof ku dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir

April 18, 2016: Ciidamo ka tirsan gobolka Banaadir ayaa dilay ruux ka mid ahaa dadkii labada qof ku dilay Boondheere, iyagoo labo kale qabtay.

April 19, 2016: Rag ku hubeysan dareyska ciidanka ayaa 3 carruur ah ku dilay degmada Hodan.

April 19, 2016: Askar ayaa 3 qof oo rayid ah ku dishay Xaafadda Al-Baraka, Afhayeenka Banaadir ayaa saxaafadda u sheegay in raggaas la qabtay isla markaana cadaaladda la horkeeni doono.

April 19, 2016: Goor habeen ah, Ciidamo ku sugan Baladweyn ayaa dilay ganacsade Xuseen Maxamed Cali (Xuseen Qoono), ninkan ayaa la sheegay in uu ka shaqeynayey xawaaladda Amaana.

April 19, 2016: 6 carruur ah iyo ayeeyadood ayaa lagu dilay duleedka magaalada marka, sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada.

April 19, 2016: Rag ku la bisan dareyska ciidanka dowladda ayaa 3 caruur ah ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

April 20, 2016: Qof rayid ah ayaa ku dhintay, Mid kalena waa ku dhaawacmay  qarax Miino oo ka dhacay Magaalada Marka ee xarunta Shabeelaha hoose.

April 20, 2016: Wiil 12 jir ah oo Adhi la jiro ayaa lagu qashay, kadibna la cunay, wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Carab Buraalle waxaa lagu qashay deegaanka Ballidhiig oo ka tirsan Togdheer, Somaliland, wararka waxaa ay intaa ku darayaan in ninkii falkaas sameeyay la qabtay.

April 21, 2016: Koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay dileen labo ruux, dadka ayaa la sheegayaa in lagu dilay Deegaanka Muuri ee shabaleelada hoose, wararka waxaa ay intaas ku darayaan in ragga wax dilay ay u socdeen dad kale.

April 21, 2016: Labo askari oo Canshuur qaadayey oo rag hubeysan ay ku dileen suuqa Bakaaraha.

April 23, 2016: Shacab careysan ayaa maanta duhurkii is hor-taagay gaari ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo nin waayeel ah ku jiiray Isgoyska KM4.

Gaariga ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ahaa kuwa qafilan ayaa si xowli ah ku socday, waxaana mar uu marayay agagaarka Aargada uu jiiray nin waayeel ah.

Ninka waayeelka ah ayaa la sheegay inuu ka jiiray lugaha, isla markaana mid ka mid ah lugtiisa ay bur burtay, waxaana markii falkaas dhacay soo buuxiyay goobta dadweyne fara badan.

Gaariga falkan sameeyay ayaa damcay inuu goobta ka dhaqaaqo, balse dadweynihii ku sugnaa agagaarka Isgoyska KM4 ayaa inta ay gacmaha is qabsadeen hor-joogsaday gaariga.

April 22, 2016: Hubin, Labo qof oo lagu dilay deegaanka Muuri ee degmada Afgooye

April 23, 2016: ugu yaraan 3 qof oo carruur iyo haween ku jiraan ayaa ku dhimatay dagaal ciidanka Liyuu Booliis iyo Maleeshiyaad beeleedyo ku dhexmaray deegaanka Dacdheer.

April 23, 2016: Rag hubeysan ayaa dilay guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyn, ninkan waxaa uu magaciisa ahaa Cabdi Diiriye Darmaax

April 23, 2016: Dacdheer iyo deegaanno ku dhaw waxaa weerar ku soo qaaday Liyuu Booliis, dagaalladan oo maalmo badan socday ayaa waxaa maalintaas dhacay dhibaatadii ugu badneyd, in ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay halka 30 ka badan ay ku dhaawacmeen.

April 23, 2016: dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay tuulo 3 KM u jirta deegaanka Mircowleed ee gobolka Galgaduud, inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhimatay, dagaalka oo u dhaxeeyay Liyuu Booliis iyo Galmudug waxaa la isku adeegsaday hub culus sida uu Goobjoog News  u sheegay mid ka mid ah waxgaradka gobolka, dagaalka waxaa uu ka dhacay meel u dhaxeysa Dhabad iyo Galisnoor.

April 23, 2016: Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka ku lahaayeen duleedka Baydhabo, Deynuunaay ayey ka dhacday arrinkaas, 4 askari ayaa lagu dhaawacay dhacdadaas.

April 24, 2016: 6 ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay is qarxiyeen kadib markii ay isku gadaameen ciidanka, dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Bay ee koofurta Soomaaliya.

April 24, 2016: Qarax ayaa ka dhacay degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay, qaraxan waxaa ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii fadhiyay Maqaayadda, hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay, iyadoo ay dhaawacmeen 10 kale.

April 26, 2016: Koox hubeysan ayaa qof rayid oo Dukaanle ah ku dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, dilkan Aadan Afgooye waxaa uu dhacay goor subaxnimo ah, waxaana la sheegayaa in raggaas ay goobta ka baxsadeen.

April 26, 2016: Weerar ayaa lagu qaaday Xildhibaan ka tirsan federaalka, Xildhibaan Ibrahim Aden Dhaayow ayaa gurigiisa lagu weeraray Bambaanooyin, ilaa 4 ilaaladiisa ah ayaa halkaas ku dhaawacanaty.

April 26, 2016: Dagaal ayaa la sheegayaa in Deegaanka Daynuunaay, oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo ku dhexmaray Dowladda iyo Al-shabaab.

Wasiirka warfaafinta Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in khasaare badan uu ka dhashay, 8 askari ayaa la sheegayaa in laga dilay dowladda halka wasiirka uu sheegay in Al-shabaab ay ka dileen ilaa 20.

April 27, 2016: 4 qof ayaa ku dhimatay iyadoo dad kale ay ku dhaawacmeen kadib markii labo Booyad isku dhaceen magaalada Hargeisa, Somaliland.

April 27, 2016: Labo gaari oo xawaare ku socotay ayaa isku dhacay, dhacdadan ayaa ka dhacday duleedka bari ee Hargeisa, ilaa 5 qof ayaa ku dhimatay iyo qaar kale oo dhaawacmay.

April 30, 2016: sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu dilay Baardheere, askari kale ayaa dilay kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Mawduucyada:Dilalka