U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii Feberaayo , 2015

imisaa la dileyDalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey ayaa waxaa caadi iska noqdey dilka dadka, gar iyo gardaraba, waxaana intaasi sii dheer in ay aad u yartahay garsoorka ay helaan dadka dhibanayaasha ah ee la diley ama la dhaawacay.

Waxaa laga yaabaa in aan soo wada koobi weyno dhamaan dilalkii dalka ka dhacay, waxaanse halkani kusoo uruuriney inta badan dilalkii dhacay bishii Feberaayo 2015-ka, intii aan haleelney.

Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 66 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad aad u badana la dhaawacay.

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, iyo saxafiyiin ah, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Haddii si kale loo dhigo waxa tirakoobka uu muujinayaa in celcelis ahaan maalin kasta 2 lagu dilayay dalka bishii Feberaayo.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Inta badan waxa ay ku dambeeyaan weedha ah “Koox aanan heybtooda la garanaynin ayaa dilka geysatay”, aad ayayna u yartahay dadka inta fal geystaan caddaalada la hor keeno.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha nofeember oo oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Dadka La Diley iyo Goorta La Diley

Febaraayo 1, 2015: Kooxo hubeeysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ku toogtay maalintaas haweeney rayid ah, Goob-jooge ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa u sheegay in dilka ay geysteen saddex wiil oo dhallinyaro ah, kuna hubeysnaa bastoolado, kuwaas oo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Febaraayo 1, 2015: Labo nin ayaa isku xabadeeyay Koofurta Galkacyo goor habeenimo ah, nin ayaa goobtii ku dhintay halka mid kala uu dhaawacmay.
Febaraayo 2, 2015: Waxaa xili habeenimo ah magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay lagu dilay sheekh caan ka ah magaaladaasi. Sheekh Xasan Soor-Madaare ayaa waxaa dilay rag ku hubeysan Bistoolado, xilli uu kasoo baxay masjidka oo Salaadda cishaha uu kusoo tukada.Masaajidka ayaa ku yaalla xaafadda Berdaaale.
Febaraayo 3, 2015: Qarax nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ah ayaa barqonimadii maalintaas magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug, Maxamuud Cali Yuusuf (Gaada Yare), wararka ayaa intaa raacinaya in mas’uulka uu ka badbaaday.
Febaraayo 4, 2015: Mid ka mid ah ilaalada Xildhibaanada baarlamaanka ayaa wuxuu uu qof shacab ah uu ku dilay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu murun soo kala dhex galay.
Febaraayo 4, 2015: Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday ilaa 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax gaari oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Febaraayo 7, 2015: Labo Haween ah oo lagu eedeysay Basaasnimo ayaa lagu dilay degmada Jilib, Jubada Hoose. Waxaana dilkan fuliyey xarakada Alshabaab oo halkaasi ka arrimiya
Febaraayo 7, 2015: Ciidamada AMISOM oo ku sugan magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi ay rasaas ku fureen dad shacab ah, halkaasi oo qasaare nafeed ay ka dhalatay. Qof dhaqtar ah ayaa la xaqiijiyay in halkaasi uu ku dhintay Shan kalena dhaawac uu kasoo gaaray, sida goobjoogayaal ay inoo sheegeen.
Febaraayo 7, 2015: Dagaal Baledweyn ayaa istaagay kadib markii 10 qof ay ku dhinteen in ka badan 35 ay ku dhaawacmeen, dagaalka ayaa istaagay kadib markii odayaal soo kala dhex galeen.
Febaraayo 7, 2015: Siraaji Yusuf Sugaal oo ah Saxafi u shaqeeya Idaacadda Codka Galmugud iyo Tv Kalsan, iyo Radio Kulmiye ayaa lagu dhaawacay Koofurta Galkacyo.
Febaraayo 8, 2015: Rag Bistoolado ku hubeysnaa ayaa goor habeen ah waxa ay degmada Afgooye ku dileen Qasnajigii hore ee maamulka degmadaasi. Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Xasan Farey ayaa markii la dilayay waxa uu ku sugnaa goob laga cunteeyo oo degmadaasi ku taala, waxaana dilka kadib halkaasi isaga baxsaday raggii falkaan ka dambeeyay.
Febaraayo 12, 2015: Ugu yaraan afar ruux oo mid kamid ah ay haween tahay ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garowe.

13. Febaraayo 13, 2015: Guddoomiyahii Ciyaaraha Degmada Dayniile ayaa la diley , marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Yuusuf Cosoble, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag bistoolado ku hubeysan.
14. Febaraayo 14, 2015: Sheekh Aadan Macalin C/laahi ayaa lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo, Xoogaga weerarka geystay oo tiradoodu lagu sheegay ilaa afar nin, ayaa si qarsoodi ah ugu daatay hoyga Sheekh Aadan Macalin C/laahi, iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.
15. Febaraayo 15, 2015: Qof ka tirsan wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo magaciisu yahay Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Muqdisho, markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.
16. Febaraayo 16, 2015: Illaa 4 Saraakiil oo ka tirsan garoonka Aadan Cadde ayaa markaliya lagu diley isgoyska KM 4 kadib markii rag hubeysan ay halkaasi ku weerareen, waxaana saraakiisha la diley ka mid ah Abuukar Cadaani (Agaasimaha Gaadiidka Hawada), Maxamed Axmed Haaruun (Maareeyaha Maaxidda Hawada), Xuseen Hilowle Cadaan (Darawal)., Maxamed Kediye Jimcaale (Madaxa Maamulka).
17. Febaraayo 17, 2015: Koox hubeysan ayaa waxa ay magaalada Baladweyn ku dileen mid ka mid ah Nabadoonada Magaaladaasi. Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xaaji Guuroow
18. Febaraayo 19, 2015: Askari ka tirsan kuwa Nabadgalyada Waddooyinka ayaa nin darawal ah toogasho ku diley Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.
19. Febaraayo 20, 2015: Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Central Hotel Waxaa qaraxa ku dhintey 28 qof, wax ka badan 40 qofna waa ay ku dhaawacmeen, dadka dhintey waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta kala ah gudoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel), Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug) iyo Cabdi Shakuur Mire Aadan oo xilal kala duwan kaso qabtay Puntland ahaana Qoraa. Sidoo kale xubnaha dhaawacmay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar iyo siyaasiin halkaasi ku sugneyd oo qaarkood dhaawac fudud soo gaaray.
20.Febaraayo 22, 2015: Dilal kala duwan ayaa ka dhacay gobolka Mudug, waxaana la diley illaa 3 qof, labo kalana waa la dhaawacay. Nalooma xaqiijinin cidda dilalkani ka dambeysey.
21. Febaraayo 23, 2015: Qarax ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalo duleedka degmada Afgooye goob ay ciidamada dowladda ku shaahaan, Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Hooyo halkaasi ka shaqeyneysay, halka ay ku dhaawacantay gabadhii yareyd ay dhashay.
22.Febaraayo 25, 2015: Gabar dhalinyaro ahayd oo aan la garanayn cidda dhabta ah ee dishay, ayaa waxaa maanta meydkeeda laga helay Xeebta Liido, oo ku taala Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
23.Febaraayo 25, 2015: Maamulka degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dad ay usoo qabteen qarax ka dhacay degmadaasi, kaasi oo lala eegtay mas’uul ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
24.Febaraayo 26, 2015: Askari ayaa ku dhintay mid kalana waa ku dhaawacmay kadib markii Dabley hubeysan ay soo weerarey guriga uu magaalada Boosooso ka degen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan.
25. Febaraayo 26, 2015: Ciidamada dowladda Federaalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baladweyne waxa ay ku dileen Hal qof, kaasi oo ay sheegeen in ay uga shakiyeen inuu ka mid yahay Xarakada Al-shabaab.
26.Febaraayo 27, 2015: Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo qaraxan lala beegsaday gaari kuwa raaxada ah. –
27. Febaraayo 28, 2015: Nin dhalinyaro ah ayaa lagu diley Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa loo adeegsaday tooreey.
Goobjoog News

28. February 28, 2015: Hal qof ayaa la dilay, Midna waa la qabtay halka qof sedexaad uu baxsaday kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada Dowladda iyo Koox la tuhunsanaa Xaafadda MBC ee degmada Hodan, Dableyda ayaa qarxiyay sidoo kale gaari ay la socdeen.