U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii March 2016

Waa mar kale iyo qormadii ay ku soo bandhigi jirnay dilalka iyo dhibaatooyinka ay Saxaafadda tabiso ee Soomaaliya ka dhaca, Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 576 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad 143 qof ah ay dhaawacmeen .

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween iyo dad kale,  waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Waxaa kaloo bishan aan arki doontaan in aad u bateen weerarad ay geysayaan dowladaha shisheeye iyadoo la sheegao dhibaato ay u geysanayaan rayidka ku dhaqan meelaha ay duqeynayaan.

Crimes iyo Dambiyada Bisha March 2016

March  1, 2016: Waxaa Deegaanka Biyoole oo Gobolka Saaxil ka tirsan lagu dilay Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil ee Somaliland, Col. C/risaaq Yuusuf Max’uud (Casayr) .

March 1, 2016: Qarax Miino ayaa ka dhacay Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose, Miinadaan ayaa la sheegay inay ku aasneyd dhulka, waxaana ay ku qaraxday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay la soceen askartaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay Afar askari iyadoo Lix kalena dhaawac uu soo gaaray.

March 2, 2016: Dagaal ayaa ka dhacay Dhuusamareeb, dagaalkan oo dhexmaray Ahlu sunna iyo ciidamada Liibaan Madaxweyne ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 12 qof halka in 13 kale uu ku jiro Liibaan Madaxweyne ay ku dhaawacmeen, lana dhigay intooda badan Istitaalka Magaalada.

March 3, 2016: Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Xudur, ayaa sheegay howlgal ka dhacay duleedka Degmadaasi in lagu dilay rag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Ciidamada ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen meel Shabaabka gaadiidka ay lacago uga qaadi jireen duleedka Degmada Xudur, kadibna ciidanka halkaasi iska hor imaad ay kula galeen raggii Shabaabka ka tirsanaa.

March 3, 2016: Madaafiic culus, ayaa lagu weeraray Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaa  degan xaafadda Xaawo Taako.

Madaxa Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) waxaa uu xaqiijiyay dhaawaca 10 ruux oo rayid ah.

March 5, 2016: Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Baardheere, ayaa faah-faahin ka bixiyay Qaraxyo ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxyada oo ahaa Shan qarax ayaa ka dhacay Wadada Dheer ee Bartamaha ka marta Degmada Baardheere, waxaana ay sababeen Qaraxyadaasi Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Baardheere oo lagu magacaabo Cabdi Sheekh Xasan, ayaa sheegay Qaraxyadaasi in lala damacsanaa ciidamada Itoobiya oo Biyo ka soo doontay gudaha Magaalada.

Wuxuu sheegay hal ruux oo shacabka Degmada Baardheere ah inuu ku geeriyooday Qaraxyadaasi, ruuxaasi oo magaciisa uu ku sheegay C/raxmaan Sheekh Xeroow.

Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in labo Askari ay waxyeelo ka soo gaartay, balse uusan xaqiijin karin inay jirto dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada Itoobiya soo gaaray.

March 6, 2015: Maleeshiyaad hubeysan ayaa dad u badan carruur iyo haween ku dilay duleedka deegaanka Kaxandhaale oo dhaca xuduudka gobalka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya.

Inta la og yahay Seddax Qof oo Labo carruur ah ayaa ku dhimatay ku dhowaad toban haween ahna way ku dhaawacmeen weerar maleeshiyaad hubeysan ay ku qaadday deegaankaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa arrintani waxaana dadka deegaanka ay u sheegeen Goobjoog News in ay tahay isku dhacyo qabaa’il.

March 7, 2016: Afhayeen u hadlay Pentagon ayaa sheegay in 150 ay ka dileen Al-shabaab kadib markii ay duqeeyeen maalin ka hor xerada Raaso oo ka tirsan deegaanka Dhariyow oo hoos tagta Buula-Burde, Hiiraan.

March 7, 2016: Qarax Laptop loo adeegsaday ayaa ka dhacay Baladweyn, ilaa 6 qof ayaa ku dhaawactay, labo ciidan ah iyo 4 rayid ah.

March 8, 2016: Duqeyn loo geystay degmada Awdheegle, duqeynta waxaa geystay Hilocopters, ugu yaraan ilaa 10 qof ayaa ku dhimatay halkaasi

March 9, 2016: Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic habeenkii xalay ahaa lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Madaafiicda oo ahayd Hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafadda Via Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan Afar qof ayaa la sheegay in waxyeello ay kasoo gaartay duqeyntaasi kadib markii guryahooda ay madaafiicda ugu tagtay.

March 9, 2016: Qof gaari ka soo buuxiyay  walxaha qarxa ayaa ku dhintay agagaaraha maqaaxi ku taala Dhismaha Xarunta Gaadiidka Booliska Ee Degmada C/casiis.

Qaraxa gaariga ayaa waxaa ku dhintay  ilaa 3 Saraakiil Booliskaka tirsanaa oo goobta joogay, Saraakiisha dhimatay, ayaa kala ahaa Taliyihii Booliska Suuqa Bakaaraha, Ku Xigeenkii Saldhiga Booliska Degmada Hawlwadaag iyo Sarkaal Boolis, oo maalmo ka hor uun ka yimid Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

March 9, 2016: Nin ayaa Baangad qoorta looga jaray, ninka ayaa lagu dilay Jiiro-Garoob, waxaa loo dilay sababo la xiriira muran qolo dhex martay isaga iyo dhalinyaro kale.

March 10, 2016: Nin Ganacsade ah ayaa lagu dilay Baydhabo, ninkan ayaa saarnaa Hoomey u soo soctay magaalada Muqdisho, waxaana la dilay goor galab ah.

March 10, 2016: Qarax ayaa ka dhacay Maqaahi ku taalla Garbahaarey, waxaa ku dhintay ilaa 4 qof inta la xaqiijiyay.

March  10, 2016 :  goobo Dhagaxjabin ah ayaa waxaa ka dhashay dhimasho kadib markii uu halkaas ku geeriyooday nin la sheegay in ay buur ku duntay, lama sheegin wax intaas dhaafsan lakin waxaa ka badbaaday ilaa sedex kale oo ay isku meel ka shaqeeynayeen.

March 11,2016: Dagaal ayaa ka dhacay Galgaduud, dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo Burcad Badeedda waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo isugu jira Burcad Badeed iyo Shacab.

March 12, 2016: Dagaal labo kooxood ku dhexmaray Wabxo, waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa 5 halka inta badan ay ku dhaawacmeen, deegaankan waxaa uu ku yaalaa Galgaduud.

March 12, 2016: Qarax ayaa ka dhacay Afgooye, Inta la xaqiijiyay Sideed qof oo labo kamid ah Ciidanka Dowlada yihiin ayaa ku dhaawacmay qaraxa miino iyo rasaasta ay fureen ciidanka Dowlada ee qaraxa la eegtay, waxaana xaalada Suuqa ay noqotay mid cakiran kadib markii uu qaraxu dhacay.

March 13, 2016: Gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Barre Maxamed ayaa sheegay in ciidankiisu ay dileen nin bambaanooyin ku hubeysnaa oo uu sheegay inuu doonayay inuu ku weerarro gurigiisa iyo taliska ciidamada

March 13, 2016: Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan hey’adda nabad sugidda ayaa lagu dhaawacay magaalada Afgooye, iyagoo raggii ay halkaas ka baxsadeen.

March 13, 2016: Waxaa Muqdisho lagu dhaawacay xisaabiye ka tirsan Shirkadda Dhabshiil xili uu gurigiisa sii galayey, Sarkaalkan ayaa ka tirsanaa Dhabshiil koofurta Soomaaliya.

March 13, 2016: Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa nin dhalinyaro ah ku dilay Baraawe, ninka la dilay ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab, lana dilay markii uu diiday amar la siiyay.

March 13, 2016: Qarax ayaa ka dhacay degmada Qansaxdheere ee Bay, Hal askari ayaa ku dhintay halka 2 kale ay ku dhaawacmeen.

March 14, 2016: Goor habeen ah ayaa waxaa lagu dilay Marko labo qof oo ka soo baxay Masjidka.

March 15, 2016: Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada maamulkaasi ay howlgal ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo sidoo kale 3 kale.

Afhayeenka Ciidamada nabad sugidda Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed (Carab) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay howlgal qorsheysan ku qaadeen gelinkii dambe ee Axadii lasoo dhaafay deegaanka Shandarmood oo ku duleedka Kismaayo ah, halkaasi oo ay ku sugnaayeen rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Afhayeen Carab in halkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab kaasi oo magaciisa uu ku sheegay Bashiir Garweyne islamarkaana uu tilmaamay inuu ahaa hogaamiyaha ciidanka Al-shabaab ee dhanka Lugta gobollada Jubbooyinka iyo Seddax askari oo Al-shabaab ka tirsan.

March 17, 2016: Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay agagaarka deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxani ayaa lala eegtay ciidamo saarnaa baabuur Cabdi Bile ah waxaana 5 qof ee geeriyootay lagu sheegay askartii dowladda federaalka.

March  19, 2016: Mid ka mid ah ilaalada guddoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige, ayaa ku dhintay labo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar xalay ay kusoo qaadeen rag hubeysnaa oo aan weli heybtooda la garan.

Labada qof ee dhaawacmay ayaa midkood uu ilaalada Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari ka mid ahaa halka qofka kale uu ahaa qof rayid ah oo marayay Isgoyska Afar Irdoodka ee Laamiga dheer ee dhex mara magaalada Boosaaso halkaas oo israsaaseyntu ka dhacday.

March 19, 2016: Taliyaha Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegay in 19 ay ka dileen Al-shabaab, dagaal ka dhacay Afmadow ayey sheegeen in dilkaas ay ku geysteen.

Waxaa kaloo Col. David Obonyo uu sheegay in ay ku qabsadeen hub iyo rasaas, sheegashada ninkan lama xaqiijin.

March 19, 2016: 3 qof ayaa lagu dilay goob dhuxusha laga qoro oo ku taallo Jubada hoose, waxaana la sheegayaa in deegaankaas lagu magacaabo Buur-Gaabo, Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay dileen ilaa 3 qof, dadkan ayaa lagu dilay

March 21, 2016: Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhigga Ciidamada dowladda ee Laanta Buuro, Ashabaab waxaa ay sheegeen in ay dileen ilaa 70 halka ay Goobjoogayaal ah sheegeen in arkeen 3 meyd oo xerada dhexyaalla, Lama oga khasaaraha dhabta, dowladda kama hadlin xerada lala wareegay iyo khasaare naf iyo maal wixii ka dhashay.

March 24, 2016: Dagaal Puntland ka socday intii u dhaxeysay16-24 bisha march, Wasiirka digaaca Pauntland Saciid Maxamed Xersi waxaa uu sheegay in 230 ay ku dhinteen dagaalkaas iyo dhaawaca oo kor u dhaafay 50 qof.

March 24, 2016: 23 ayaa ku dhimatay in ka badan 10 ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dagaal maamulka Galmudug iyo Al-shabaab ku dhex maray gobolka Mudug qeybta Galmudug.

March 26, 2016: Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay tuulooyinka ku dhow Af Barwaaqo ay ku dileen 23 ka tirsan Dagaalyahannada Al-shabaab, sidoo kalena ay gacanta ka dhigeen 13 kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

March 26, 2016: 3 qof ayaa ku dhaawacmay dibad bax looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhacay magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan.

March 26, 2016: Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Magaaladaasi lagu dilay nin Macalin Dugsi Qur’aan ahaan jiray. Dilka Marxuumkan ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo ka baxsaday goobtii ay ku dileen Marxuumka. Macalin Dugsiga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdikariin  Afrax Shiraawe,

March 27, 2016: Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Xaafada Taleex ee Degmada Hodan, kooxo hubaysan ayaa waxa ay ku dileen Xaafadaasi Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Askariga la dilay ayaa la sheegay in Dabley hubaysan ay ugu galeen gurigiisa, kadibna ay rasaas la dhaceen, waxa ay sidoo kale halkaasi ku dhaawaceen xaaska uu qabay Askarigaasi.

March 29, 2016: Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xalane Daauud, ayaa waxaa lagu dilay Suuqa Siinaay Ee Degmada Wardhiigley. Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa si gaadmo leh dhawr xabadood kaga dhuftay qaarka kore ee jirkiisa, iyadoona ay daqiiqado yar gudahood ugu suurta-gashay inay kaga baxsadaan goobtaasi.

March 30, 2016: Gaari ay saarnaayeen Shaqaale Turki ah iy Weerarkan waxaa uu ka dhacay xaafadda Taleex, gaar ahaan dhabarka dambe ee Masaajidka Sheekh C/rashiid

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyootay 6 qof oo Labo ka mid ah ay yihiin muwaadiniin u dhalatay Dalka Turkiga, mid Azerbaijan iyo Soomaali.

Weerarkaan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen 5 qof kale oo midi haweeney tahay, iyo sidoo kale nin u dhashay dalka Kenya sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

March 31, 2016: Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Galkacyo, Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyootay 7 qof oo uu ku jiro ruuxii is qarxiyey waxaana ku dhaawacmay 8 kale oo shacab u badan.

Weerarkaan dadka ku dhintay ayaa kala ah Xisaabiyahii wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf (Gaadayare), wasiirkii hore ee warfaafinta Galmudug Xasan Ruush, Laba askari oo ilaalo u ahayd xisaabiyaha, Laba wiil oo baalashle ka ahaa Hoteelka banaankiisa iyo ruuxa is miidaamiyey.

March 31, 2016: Ugu yaraan laba qof, ayaa waxaa la sheegay inay ku dhimatay qarax ka dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baledweyne, halka in ka badan 10 kalana ay ku dhaawacantay.