U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii Nofeembar, 2014

Sheeko:Dalka

imisaa la dileyDalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey ayaa waxaa caadi iska noqdey dilka dadka, gar iyo gardaraba, waxaana intaasi sii dheer in ay aad u yartahay garsoorka ay helaan dadka dhibanayaasha ah ee la diley ama la dhaawacay.

Warbaahinta Goobjoog waxa ay biloowdey diiwaangalinta dambiyada dhaca, gaar ahaan dilalka, inaga oo soo gudbin doona dilalka marka ay bisha dhamaato inta eebbe naga haleeshiiyo.

Waxaa laga yaabaa in aan soo wada koobi weyno dhamaan dilalkii dalka ka dhacay, waxaanse halkani kusoo uruuriney inta badan dilalkii dhacay bishii Nofeembar ee sanadka 2014-ka, intii aan haleelney.

Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 32 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, 19 ka mid ah dadkaasi waxaa lagu diley magaalada Muqdisho, 3 ka mid ah waxaa lagu diley Puntland, 4 waxaa lagu diley gobolka Shabeelada Hoose, 4 Hiiraan, 2 na waxaa lagu diley Gobolada Dhexe.

Dadka la diley 5 ka mid ah waa mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, iyo saxafiyiin ah, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Haddii si kale loo dhigo waxa tirakoobka uu muujinayaa in celcelis ahaan maalin kasta qof lagu dilayay dalka bishii Nofeember.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Dhamaan dilalka waxa ay ku dambeeyaan weedha ah “Koox aanan heybtooda la garanaynin ayaa dilka geysatay”, aad ayayna u yartahay dadka inta fal geystaan caddaalada la hor keeno.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha nofeember oo oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Dilalka dhacay Bishii November 2014

  1. Nofeembar 1, 2014: Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Cir-toogte. Ciidamada nabad sugidda ayaa iyaguna toogtay labadii ruux ee falka geystey, halkaana ku dilay.
  2. Nofeembar 2, 2014: Labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Fatxi Maxamuud Maxamed iyo Faadumo Maxamuud Cumara ayaa waxaa madaxa ka toogteen labo nin oo watey dhug-dhugley (mooto), Labada Gabdhood oo horay uga qalin jabiyay SIMAD ayaa macalimiin ka ahaa goobaha waxbarasho ee ku yaala magaalada Muqdisho.
  3. Nofeembar 4, 2014: Rag ku hubeysan mindiyo ayaa diley haweeneey degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Jaamacadaha, raggii dilka geystay ayaa baxsaday.
  4. Nofeembar 5, 2014: Askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa rasaas ku furay gaari yar oo bas ah, rasaasta waxaa ku geeriyoodey hal qof , mid kalena waa ku dhaawacmay. Askariga rasaasta furay wuxuu la socdey kolonyo Ciidamada Badda ka tirsan oo marayey isgoyska Gaaca.
  5. Nofeembar 5, 2014: Dabley ayaa nin Ganacsade ah ku dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Ganacsadahani ayaa waxaa lagu magacaabayay Yuusuf Caalim , waxaana lagu diley dibadda Hotel Karaama ee magaalada Boosaaso.
  6. Nofeembar 6 , 2014: Askari ka tirsan ciidamada nabad-sugidda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku dilay wadaad caan ka ahaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, Wadaadka ayaa lagu magacaabayay Sheekh Xasan Sheekh.
  7. Nofeembar 6 , 2014: Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaar ahaan Galbeedka magaaladaasi waxaa lagu dilay Laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya.
  8. Nofeembar 7 , 2014 : Qarax ayaa goor habeenimo ah ka dhacay agagaarka Hotel Maleeka degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho. Qaraxani ayaa ka dhashay gaari lagu xirey agaasime ka tirsan wasaaradda beeraha, cid wax ku noqotey lama sheegin.
  9. Nofeembar 8 , 2014:Gaari nooca aan rasaastu karin oo ay leedahay shirkadda Enes ee qaabilsan dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho, ayaa lagu weeraray wadada hormarta Isbitaalka Banaadir, ma jirin cid ku dhimatay.
  10. Nofeembar 9, 2014:Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay qof rayid ah oo marayay xaafadda Ceel-Qalow ee degmada Wadajir, iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay markiiba goobta ka baxsadeen.Nama soo gaarin magaca qofkaasi iyo sababta loo dileyba
  11. Nofeembar 9 , 2014: Agagaarka KM4 waxaa ka dhacay qarax geystay khasaare oo halkaas ka dhacay,Nin Saxafi ah oo lagu magacaabo Nuure Maxamed Cali ayaa ku dhaawacmay, wuxuuna ku waayay mid ka mid ah lugihiisa.
  12. Nofeembar 9, 2014: Rag hubaysan ayaa magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen taliyahii ciidamada Asluubta ee magaaladaasi.
  13. Nofeembar 10 , 2014: Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayuu qarax xoogan ka dhacay, kaa oo dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan magaaladaasi, qaraxa ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aasay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo ku dhaw aargada Kismaayo. Lama soo sheegin wax qasaaro ah oo dhimasho iyo dhaawac ah.
  14. Nofeembar 11, 2011: Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari uu la socday xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo marayay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, darwalkiisa ayaa ka mid ah dadka ku dhintay. Isagoo la hadlaayay warbaahinta ayuu xildhibaanka xusay in weerarkii uu ku badbaaday, balse ay ku dhinteen Xuseen C/qaadir Aadan, oo ahaa darawalkiisii, sidoo kalana ahaa horjaagaha ilaaladiisii, isla-markaana uu ahaa laba xidigle ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka, kuna soo tababartay dalka dibadiisa iyo Maki Xasan oo sidoo kale ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.
  15. Nofeembar 11, 2014: Dableey hubaysan ayaa magaalada Muqdisho waxay ku dileen madaxii waaxda socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan , waxaana mas’uulka lagu magacaabayay Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey.
  16. Nofeembar 12, 2014: Degmada Wadajir ee magaalada gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu dilay Yuusuf Maxamed Hilaal oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka arimaha Bulshada ee degmada Howl-Wadaag.
  17. Nofeembar 13 , 2014: Degaanka Maryan-Gubaay ee gobolka Shabeelada Hoose kuna dhaw degmada Baraawe ayaa waxaa ka dhacay qarax miino lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha guutada Sedaxaad ee ciidamada xoogga Soomaaliya Maxamed Jimcaale Goobaale
  18. Nofeembar 13, 2014: Daahir Dheere oo ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Asluubta iyo wiilkiisa ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Macalin Nuur ee degmada Dharkeyley.
  19. Nofeembar 14 , 2014: Ugu Yaraan 2 qof Qaad- wadeyaal ayaa lagu dilay degmada Caaduwaaq ee gobalka Gal-gaduud, waxaa la sheegey in nimankani loo dilay aano qabiil oo u dhaxeeysa laba beel oo wada dega halkaasi.
  20. Nofeembar 16 , 2014: Qarax uu ku dhintey dhintay hal qof oo ahaa shaqsigii gaarigaasi wadayay ayaa ka dhacay wadada Makka Al Mukarama, iyadoo haweeney ay ku dhaawacantay, Gaariga ayaa qarxay markii uu maraayay kasoo horjeedka Hoteelka Dayax ee wadada Makka Al-mukarrama
  21. Nofeembar 17 , 2014: Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa xili fiid ah waxay nin dhalinyaro ah ku dileen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, xilli ninkaasi uu la socday gaari kuwo yar yar ah.
  22. Nofeembar 18 , 2014: Xoogag hubeysan ayaa waxay Magaalada Muqdisho ku toogteen Injineer C/laahi Cali Canshuur, oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtey, isaga oo ka yimid dalka Mareykanka.
  23. Nofeembar 19 , 2014: Cabdirisaaq Cali Silva oo ahaa wariye u shaqeyn jiray Radio Daljir iyo Royal Tv ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo.
  24. Nofeembar 20 , 2014: Sarkaal ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya oo la oran jiray Korneyl Maxamed Cabdi, ayaa waxaa xili galab ah lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
  25. Nofeembar 24 , 2014 : Maxamed Muumin Saney oo ah taliyaha ciidanka dowladda u qaabilsan Maxaas ayaa sheegay in tuulo 25 KM u jirta Maxaas ee Gobolha Hiiraan labo qof lagu dilay, weerarka oo gaadmo ahaa dadkii geystay waa baxsadeen.
  26. Nofeembar 29 , 2014: Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi toogasho lagu diley wiil dhalinyaro ah oo la shaqaynayay maamulka magaalada.
  27. Nofeembar 30, 2014: Labo Askari oo ka tirsan maamulka dowladda hoose ee Afgooye ayaa siyaabo kala duwan loogu diley xaafado ka mid ah degmadaasi, waxayna tirada dilalka maalmihii lasoo dhaafay iyo kuwii xalay ka dhigayaan illaa afar dil oo dhamaan loo geystey dad u shaqaynayay maamulka
  28. Nofeembar 30 , 2014: Qof ayaa dhintey, 3 qof kalana waa uu dhaawacmey kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furey dad shacab ah oo meel fadhiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Goobjoog News