U bood dhigaalka

Imtixaamka Dowladda ee Dugsiyada Sare Waa Talaabo Horey Loo Qaaday

Todobaadkani waxaa soo gabogaboobey imtixaanaadka dugsiyada sare ee dowladda Soomaaliya ay qaadaysay markii ugu horeysey muddo 25 ka badan.

Kaliya ma ahan in 25 sano kadib ay suurogashay in dowladda ay qaaddo imtixaam mideysey, ee sidoo kale dowladda waxa ay ka taloowsatay caqabadihii ugu waaweynaa ee ebed soo foodsaara ee la xiriira arrimaha waxbarashada.

Waxaa si toos ah dowladda oga horyimid dalladaha waxbarashada ee gacanta ku haya iskuulaadka ay ardeyda dhigtaan iyo waliba ardayda laftooda, taasi wasaaradda waxbarashada galisey xaalad ciriiri ah oo mugdi ka dhigtey suurto-galnimada in imtixaan la qaado.

Sidaasi oo ay tahay wasaaradda waxaa u suuro-gashay in ay imtixaam mideysan ka qaaddo illaa 7 kun oo arday oo ka mid ah illaa 17 kun oo ardey oo iyagu dhameystey waxbarashada dugsiyada sare.

Waxaa intaasi dheeraa hanjabaado ay jeedisey Alshabaab oo ahaa in ay qarxin doonaan xarumaha imtixaamka lagu qaadayo haddii ay dhacdo in imtixaam loo fariisto, balse muddo todobaad ah oo ay imtixaanaadka socdeen ma jirin wax dhacdooyin ah oo dhacay, iyada oo ay dowladda ku guuleysatay in ay sugto amniga xarumaha imtixaamka lagu galayay iyo dabcan Eebbe Weyne oo la garab galay.

Arrin kale oo caqabad ku noqon lahayd wasaaradda balse si wanaagsan looga gudbey ayaa ahayd in gobolada aysan dowladda sida rasmi ah oga talin ee ay maamulada kale ka jiraan ay imtixaanaadka ka qabsoomeen si habsami leh, waxaana ka mid ah magaalada Kismaayo.

Maamul goboleedka Puntland ayaa isaga si gaar ah imtixaamka u qaatay, balse qeyb ka ah imtixaamka mideysey ee dowladdu qaadeysey, tanina waxa ay ku dhacday maadaamaa Puntland ay horey u dhaqangalisey in wasaaradeeda waxbarashada ay qaaddo imtixaanaadka guud ee goboladaasi.

Nidaam waxbarasho oo mideysan, ciidamo mideysan, iyo baasaboor mideysan waxa ay dhamaan ka mid yihiin waxyaabaha rajada leh ee astaanta u ah dib usoo kabashada qaranka Soomaaliyeed ee wali halgankiisa lagu jiro sidii dib loogu yagleeli lahaa.

Sidaasi oo ay tahay lama dhaliilsan karo cabashooyinka ay qabaan ururada ay bulshada sameysatay sida dalladaha waxbarashada, iyo dowlad goboleedyada, kuwaasi oo iyagu qaba cabsi laga dhaxlay waayo aragnimadii lasoo maray ee ahayd in dowlad dhexe oo xoog badan ay wax kasta isku xayuubsato.

Balse taasi marmarsiimo uma noqon karto in aanan la helin dowlad dhexe oo tayo leh, go’aana qaadan karta.

Wasaaradda waxbarashada go’aanka adag ee ay qaadatay waa mid loo aayo, wuxuu jabiyey darbi adag oo aysan ciddina horey ugu dhiiran in ay jiirto.

Guushan ay gaartay wasaaraddu waa in aanan looga faa’iideysanin in lagu ciqaabo dalladaha iyo ardeyda kale ee 10-ka kun ka badan ee waxbarashada dugsiyada sare dhameystey ee balse aanan imtixaamka galin, taasi badalkeeda waa in wax kasta lagu dhameeyaa si miyir qab ah iyada oo la eegayo danta shacabka iyo tan qaranka.

Waxaa jira waxyaabo aanan iyaguna marmarsiimo loo heli karin oo wasaaradda ama dowladda guud ahaan horyaala, waxaasina waa dajinta iyo meelmarinta shuruucdii lagu dhaqi lahaa dalka ee in badan oo ka mid ah ay qabyo yihiin, gaar ahaan sharciga waxbarashada gaarka loo leeyahay oo ahayd sababtii ugu weyneyd ee dalladaha u diideen in dowladda imtixaam qaaddo.

Sanadka dambe xilligan oo kale wasaaradda lagama aqbali karo wax ka yar sharciyaddii oo la ansixiyey, iyo waxyaabihii hadda qaldamay oo dhan oo la saxay, cid kastana laga qeybgaliyay hanaanka wax loo maareynayo. Waxyaabaha kale ee wasaaradda looga fadhiyo ayaa waxaa ka mid ah dajinta manhaj mideysan oo ka turjumi kara Soomaaliya iyo nooca qofka ee la rabbo in hadhoow lasoo saaro marka uu waxbarashada dhameysto.

Faalada Tifaftirka Goobjoog

W/D : Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)

Goobjoog News