U bood dhigaalka

Imtixaanka Mideysan Ee Dugsiyada Sare Oo Maanta Dalka Ka Billaabanaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo sabti ah waxaa guud ahaan dalka ka billaabanaya Imtixaanka mideysan ee Shaadiga Dugsiga sare kaasi oo ay u fariisanayaan kumamaam arday ah.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa imtixaankan qaadeysan, iyadoo lagu qaadi doono dhowr xarumo oo dalka ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kormeer ku sameeyo qaar ka mid ah xarumaha Imtixaanka mideysan lagu qaadayo.

Ammaanka xarumaha lagu qaadayo imtixaanka ayaa ah mid aad loo adkeeyay.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii ay is fahmeen dalladaha waxbarasho ee dalka ka shaqeynayay muddo aad u badan iyo wasaaradda waxrashada Soomaaliya.

Goobjoog News