U bood dhigaalka

Imtixaankii Shahaadiga Oo Maanta La Baajiyey

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in maanta oo Axad ah la baajiyay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada Sare.

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa baajinta Imtixaanka ku sababeeyay Roobab  badan oo ka da’aya      Muqdisho  iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare ayaa shalay la daah-furay waxaana ka qeyb-galaya ku dhowaad 27 kun oo arday, Imtixaanka ayaa ka dhacay 120 goobood oo ku yaallo Afar maamul-goboleed .

Goobjoog News