U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Beeleed Ka Socda Koonfurta Mudug

Sheeko:Dalka

Dagaallo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa weli ka soconaya degaanno ku yaalla dhinaca koonfureed ee gobalka Mudug.

Dagaalladani ayaa u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada deggan waxaana ay isku hayaan dhul daaqsiin iyo Ceelbiyood.

Inta la xaqiijiyey 13 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay 40 kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida uu soo sheegayo wariyaheena Daahir Faarax.

Dagaalka xooggiisa ayaa ka dhacay Deegaanka Daarka Warsame Cabdi oo u dhaxeeya deegaannada Baxdo iyo Qeydaro oo Labada Maleeshiyo ay kasoo kala jeedaan waxaana deegaannadaasi ka kala tirsan yihiin gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Salaad Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan halkii lagu dagaallamay ayaa Goobjoog News u sheegay in dagaalka xooggiisa uu dhacay Xalay iyo gelinkii dambe ee shalay, waxaana sidoo kale uu xaqiijiyey in dadkii dhaawacmay loo kala qaaday degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo.

Illaa hadda ma jirto waanwaan toos ah oo la kala dhex dhigay dhinacyadani ku dagaallamaya deegaanka Qeydara ee gobalka Mudug, xiisado colaadeed ayaana weli laga dareemayaa degaannada dhaca dhinaca Koonfureed ee gobalka Mudug.

Saakay Khamiis ah waxaa lagu soo waramayaa in weli xiisad ay ka jirto halkaasi mana jirto wax war ah oo arrinkaan ay kasoo saareen maamulka Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News