U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Bakool

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab,  kaasi oo ka dhacay gobolka Bakool.

In ka badan 10 qof oo 4 kamid ah yihiin dad shacab ah ayaa ku geeriyoodey dagaalkan oo ka dhacay Tuulada lagu magacaabo Dhiil oo ku dhow degmada Xudur, waxaana dagaalka uu ahaa mid socday xalay illaa shalay.

Maxamed Macallin Axmed, guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku adkaadeen ciidamada dowladda, isaga oo sheegay iney dileen 3 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, Afar kalena ay ka dhaawaceen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in Tuuladii lagu dagaallamay ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo markii horeba lahaa weerarkii dagaalkaasi.

“Ciidamada dowladda ayaa hadda ku sugan Tuuladii lagu dagaallamay, waxay nimanka nabad diidka ah dileen 4 qof oo shacab ah, sidoo kale waxaan dilnay 3 kamid ah Al-shabaab, 4 kalena waan dhaawacnay, hadda xaaladdu wey deggan tahay waxaana socda howlgalka dib u xoreynta ah” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xudur.

Dhanka kale Al-shabaab kama aanay hadal dagaalkan iyo sidoo kale waxa ka jira khasaaraha la sheegay in dhankooda lasoo gaarsiiyey.

Goobjoog News