U bood dhigaalka

In Ka Badan 100 Qof Oo Lagu Qabtay Howlgal Ay Ciidamada Dowladda Ka Sameeyeen Degmada X/weyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ayaa howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen degmada X/weyne ee gobalka Banaadir maanta ku Saddex, iyadoo howlgalkaan lagu soo qabtay 110 qof.

Gudoomiyaha degmada X/weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkaan lagu bartilmaameedsanayay dadka Iibiya waxyaabaha maanka dooriya, iyo sidoo kale dadka iibiyay Taleefanada gacanta ah ee lasoo dhacdo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkani ay soo qabteen loo gudbiyay saldhiga Bari ee magaalada Muqdisho, islamarkaana howlgalkaan uu socday muddo Seddax Maalin ah.

“Howlgalkaan waxaan billawnay maalin kahor, maanta Seddax ayuu socday, waxaa lagu bartilmaameedsnayaa dadka isticmaala maandooriyaha, kuwa iibinaya, kuwa iibiya Mobilada lasoo dhacay, illaa Ceelgaabta ayaan tagnay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dadka xiran ayuu sheegay inay ku jiraan shacab iyo ciidan, sidoo kalane ay hayaan dad uu sheegay in ay ahaayeen kuwa ugu waaweyn ee maandooriyaha Calaqa iibin jiray.

Dhinaca kale howlgalkaan ayaa lagu soo qabtay Caagag ay ka buuxaan waxyaabaha maanka dooriya ee calaqa iyo sidoo kale Haween la sheegay inay Iibinayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn Gudoomiye C/qaadir ayaa uga digay cid walba oo ku howlan arrimaha ku aadan calaqa iyo kuwa Iibiya Mobilada la dhacay inay ka waantoobaan, hadii ay arkaanna ay xabsiga u taxaabi doonaan.

Goobjoog News