U bood dhigaalka

In Ka Badan 5 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Kaaran, Bariga Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya bariga Muqdisho ayaa sheegaya in degmada Kaaraan uu ka dhacay dagaal beeleed  sababay ku dhowwaad dhimashada 10 qof oo labada dhinac ah.

Dagaalkan oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen ciidamo labisnaa dhanka ciidanka amniga ayaa la sheegay in sabab u ahaa aano qabiil.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la isku heysto dhul ku yaalla aagagaarka mirinaayo ama meel u dhaw kawaanka Bari, ee degmada Kaaraan.

Ilaa hadda ma jiro warar rasmi ah oo arrinkan la xiriiro, laakin dadka deegaanka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay caruur ku jireen.

Goobjoog News