U bood dhigaalka

In kabadan 130 Qof oo Kuleyl Ugu Dhimatay Dalka Canada

Sheeko:Amniga

Dad fara badan ayaa gudaha dalka Canada maalmihi la soo dhaafay ugu geeriyooday kuleyl daran oo dalkaas ka jira, dadka ayaana ah kuwa u badan dad da’ ah .

Ciidamada Booliska magaalada Vancouver ayaa sheegay in tan iyo jimcihii ay magaalada ku dhinteen dadkii ugu badnaa ee u dhinta kuleyl .

Booliska ayaa xaqiijiyay in Afarti maalin ee la soo dhafay ay magaalada Vancouver ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 130 qof, kuwaas oo dad da’ah u badan .

Dadka dhintay ayeey booliska sheegen in ay aheeyn kuwa uu aad u hooseyo difaaca jirkooda maadama aya aay u da’ weynaayeen, waxaana dadka ku jiray kuwa qabay xanuunno.

Cabirka heerkulka ayaa hoos uga sii dhacay saacadihii la soo dhaafay – 49.5C (121F), waana heerkii ugu xumaa oo uu intaas gaaro heerkulka.

Todobaadkan ka hor, heer kulka dalka waligiis ma dhaafi jirin 45C, halka dalka canada uu hadda ka jiro kuleelkii ugu badnaa .

Goobjoog News