U bood dhigaalka

In kabadan 2,000 Qof Oo Loo Xiray Rabshadaha Koonfur Afrika, Xilli Dadka Ku Dhintay Ay Sare U Kaceen

Sheeko:Amniga

Waxaa sii xogeytay rabshadaha dalka koonfur afrika, xilli laga soo warinayo dalkaas in banaanbaxyada ay ku sii fideen gobala badan.

Madaxweynaha dalka koonfur afrika Cyril Ramaphosa ayaa dhankiisa sheegay in rabshadaha ay ahaayen kuwa horay loosii qorsheyay.

Ciidamada ammaanka dalka koonfur afrika ayaa xiray in kabadan 2,500 qof kuwaas oo qeyb ka ahaa rabshadaha welli ka socda dalka koonfur afrika, xilli madaxweynaha dalkaasi uu sheegay in 200 qof ay ku dhinteen rabshadaha ka dhashay xarigga madaxweynihii hore ee dalka koonfur afrika Zuma, kaas oo ay maxkamadda sare ee dalkaas ay ku heshay falal musuqa la xiriira.

Dowladda koonfur afrika ayaa ku dhawaaqday in la soo rogayo seddax bil oo xaalad deg deg ah, xilli dowladda ay dalbatay in la soo bixiyo 25,000 askar oo dheeri ah kuwaas oo sugta ammaanka dalka oo dhan.

Goobjoog News