U bood dhigaalka

In kabadan 300 qof oo maanta lagu xiray hawlgallo laga sameeyay degmada Xamar weyne

Sheeko:War

Dhalinyaro-la-qabqabtay

Waxaa maanta degmada Xamar weyne lagu xir xiray In ka badan 300 qofood kadib howlgallo ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka sameeyeen degmadaasi.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in howlgaladaasi ay yihiin kuwa lagu sugayo ammaanka degmada Xamar-weyne oo ay ka dhacayeen falal la xariira amni darro maalmihii dambe.

Guddoomiyaha Xamar-weyne Cabdul Qaadir Maxamed Cabdul Qaadir ayaa sheegay in dadka la isku shaandheynayo oo cidii aan dambi lahayn la sii deyn doono.

Waxay dadkani isugu jiraan ganacsato, arday iyo dad kale oo shacab ahaa kuwaasoo qaarkood marayay wadooyinka degmadaasi.Dadkan ayaa ciidamda nabad sugidda weli ay ku hayaan gudaha degmada Xamar-weyne iyadoo xiliga uu yahay Ramadaan.

Howlgalkani ayaa ku soo aadaya xilli maanta uu si toos ah xilkiisa ula wareegay wasiirka cusub ee amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Ereg oo kala wareegay sii hayihii xilkaasi wasiirka gaashaandhigga.

Wararka Goobjoog news