U bood dhigaalka

Indha Cadde: Waan soo dhoweynayaa hub ka dhigista ka socota Muqdisho

Sheeko:War
Jeneraal Yuusuf Indha cadde
Jeneraal Yuusuf Indha cadde

Jeneral Yuusuf maxamed Siyaad indha Cadde ayaa soo dhaweeyay Howl-galka hubka looga ururinayo Magaalada Muqdisho.

Yuusuf indha Cadde oo ka hadlay qaabka ay dowladdu u wado qorshaha hubka looga uruurinayo Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in talaabadaasi marki la qaaday aysan dhicin dilalkii ka dhici jiray Muqdisho,

Jeneral Yuusuf indha Cadde ayaa Wasiirka Amniga ee Dowladda federaalka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg ugu baaqay in la sii wado dadaallada looga hor tagayo hubka sharci darrada ah ee shaqsiyaadku ay ku heystaan Magaalada dhexdeeda.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa iyana dhankooda dhaliilay qaabka ciidamada nabad sugidda dowladda ay u wadaan ururinta hubka, iyagoo sheegay in qalad ay tahay in xildhibaan lagu weeraro gurigiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa isna ku baaqay in wax laga badelo qaabka ay dowladda federaalka Soomaaliya hubka uga Uruurineyso Muqdisho.

Ciidamada nabad sugidda dowladda federaalka Somaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday howlgallo ay ku bartilmaameydsanayeen guryo iyo shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo ay sheegaan inay haystaan hub aad u badan.

Ciidamada nabad sugidda ayaa iska cabin kala kulma meelaha ay howlgallada ka fuliyaan ,taas oo sababta khasaare nafeed oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.