U bood dhigaalka

India: In Ka Badan 10 Milyan Ruux Oo Biyo La’aan Ah

Sheeko:Dalka

In kabadan 10 million oo ah dadka kunool magaladda New Delhi ee dalka India ayaa biyo la’aan ah kadib markii dad careysani ay baa’bi’yeen tubooyinkii ugu waa weynaa ee magalada biyaha siin jiray.

Dalka Hindia waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 16 ruux rabshado socday Saddexdii maalin ee la soo dhaafay, waxaana ku dhaawacmay boqolaal ruux.

Madaxa ugu sareeya magaladda Delhi dhanka biyaha Keshav Chandra, ayaa warbaahinta u sheegay in ku dhawaad Todobaad ay ku qaadan doonto in la dayactiro tubooyinka la waxyeeleeyey.

Ciidamada ayaa la wareegay halka lagu magacaabo Munak oo ay bulshada Jatka ay banaanbaxyo ka wadeen kuwaas, oo ka careysnaa nidaamka shaqo qeybsiga ee dowladda Hindia.

Waxaa la xiray dhammaan iskuulada magalada Delhi ku yaalla sababo la xiriira xiisada dhanka biyaha ah ee magaladda ka taagan.

Lix iyo toban million oo ku nool magalada Delhi iyo kumanaan kale oo hareeraha magaladaa ku nool ayaa dareemaya biyo la’aan baahsan.

Weriyayaasha ku sugan magalada Delhi ayaa ku soo waramaya in banaanbaxayaashu ay diideen in ay baneeyaan wadooyinka waxa ayna bartamaha magalada ka sameysteen dhowr jidgooyo.

Wasiirka magaladda Delhi Arvind Kejriwal ayaa bartiisa Tweeterka soo dhigay warbixin uu ku muujinayo in ay hadda xaalada qiimeynayaan gaar ahaan sida laga yeelayo kanaladda la qaribay iyo mudada lagu dayactiri karo.

Beesha Jat oo ah kuwa hadda banaan baxaya ayaa lagu tiriyaa in ay ku noolyihiin dabaqada sare ee dalka hintiya waxa ayna ku doodayaan in aysan helin kootada saxda ah marka ay timaado hanaanka loo qeybsanayo shaqooyinka.

Wasiirka gobolka Haryana oo ay beeshani ka soo jeedo Ram Bilas Sharma waxa uu sheegay in hadda xaaladu caadi ku soo laabatay oo ay ku rajo weyn yihiin in laxali doono khilaafka taagan.

Goobjoog News