U bood dhigaalka

Injineer Yariisow: Hay’adaha Ammaanka Waxay Inoo Sheegeen Inay Ka Hortageen Qaraxyo Badan Oo Lala Damacsanaa Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay ka hortageen qaraxyo badan oo lala damacsanaa in laga fuliyo magaalada Muqdisho, ka dib maalmo badan oo ay waddooyinka magaalada xirnaayeen.

Guddoomiyaha gobolka C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu horreyn sheegay in ka maamul ahaan ay dedaal badan ku bixiyeen sidii iyadoo amniga la sugayo haddana shacabka waddooyinka loogu furi lahaa.

Hay’adaha ammaanka ayuu sheegay inayu sheegeen in maalmihii waddooyinka ay xirnaayeen laga hortagay qaraxyo ka dhici lahaa Muqdisho.

“Qaraxyo badan oo la damacsanaa in laga hortagay ayay inoo sheegeen hay’adaha ammaanka, shacabka waxaan u sheegeynaa inaan la damqaneyno dhibkooda” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Injineer Yariisow oo hadalka sii wata ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir in ay hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan amniga iyo kala dambeynta.

Ciidamada dowladda ayaa shalay dib u furay waddooyinka magaalada Muqdisho oo xirnaa maalmihii ugu dambeeyay.

Goobjoog News