U bood dhigaalka

Inkabadan 26,000 Arday Ah Oo U Fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta si rasmi ah gobalka Banaadir uga furmay Imtixaanka dugsiga dhexe oo uu qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya .

In kabadan 26,000 Arday ah ayaa sanadkaan u fariistay Imtixaanka oo markii ugu horeysay si rasmi ah u qaadayo Agaasinka waxbarashada Gobalka Banaadir kadib markii lagu warejiyay howlaha Imtixiaanka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabiri oo daahfuray furitaanka Imtixaanka ayaa sheegay in ay iska kaashadeen Imtixaanka wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka iyo Agaasinka waxbarashada gobalka banaadir .

Sanadkaan ayaa sidoo kale markii ugu horeysay waxa Imtixaanka dowladda u fadhiistay ardayda qaba baahiya gaarka ah.

Sawirada Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe