U bood dhigaalka

IOM oo Dalbatay Lacago Loogu Yaboohayo Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa shaaca ka qaaday inay u baahan tahay 93.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha bani’aadamnimo ee saddex milyan oo qof oo ku nool afar waddan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Warbixinta guud ee xaaladda, IOM waxay sheegtay in dhaqaalahan loo baahan yahay, si loo daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee ku dhawaad ​​saddex milyan oo qof oo ku nool Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Baahiyaha ay dadka ay wajahayaan ayaa waxaa ka mid ah cuntada, baahiyaha , hoy degdeg ah,  nadaafadda, sida lagu sheegay warbixinta IOM.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ilaa hadda leh tirada ugu badan ee dadka qaba baahiyaha bini’aadantinimo ee degdega ah waxayna kala yihiin 1.1 iyo 1.25 milyan siday u kala horreeyaan. Jabuuti iyo Kenya ayaa dhankooda la sheegay in la diiwaan geliyay  inta u dhaxaysa 15,000 ilaa 54,786 qof oo abaarta ay saameysay, sida lagu sheegay warbixinta IOM.

Warbixinta IOM ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in labada dal ay dabooleen inta ugu badan, sidoo kale Jabuti iyo Kenya loo qoondeeyay lacag dhan 24.2 milyan oo doolarka Mareykanka , halka  66.3 milyan oo doolarka Mareykanka ah ee loo qoondeeyay lacagta  Itoobiya iyo Soomaaliya .

“Iyadoo afar roobab oo xiriir ah ay di’een, Geeska Afrika waxa uu wajahayaa mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo sare u kaca qiimaha cunnada uu sidoo kale sababay dhibaato halis ah oo sugnaanta cuntada,” ayaa lagu sheegay warbixinta IOM.

Goobjoog News