Iraan oo Sheegtey in ay Soomaaliya ka Caawineyso Tabobarka Ciidamada

Cali LerijaniGudoomiyaha baarlamaanka Iraan Cali Lajijani ayaa sheegey in dowladiisa ay balanqaadayso in ay Soomaaliya garab ka siin doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo waliba burcad badeeda.

Wuxuu hadlayay kadib markii uu la kulmey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, iyaga oo ka wada qeybgalayay shir ay gudoomiyeyaasha baarlamaanada ku lahaayeen dalka Jabuuti.

‘Iraan waxay diyaar u tahay in aan tabobarno ciidamada Soomaaliya si loola dagaalami argagixisada iyo burcad badeeda “ ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Iraan.

Iraan ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga maraakiib dagaal oo qeyb ka ah hawlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeednimada badweynta Hindiya.

Goobjoog News

Related Articles

26 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW