U bood dhigaalka

Iran Oo Looga Dhawaaqay Baroor Diiq Qaran Ka Dib Dhulgariirkii Ku Dhuftay

Sheeko:Dalka

Dowladda Iran ayaa ku baaqday maanta oo talaado ah baroor diiq ku aadan dadkii waxyeellada ay ka soo gaartay dhul gariirkii ku dhuftay xadka u dhaxeeya Iran iyo Ciraaq.

Waxaa kor u kacay waxyeellada uu geystay dhul gariirkaan waxayna dhimashadu gaareysaa 433 qof halka ay ku dhaawacmeen 7000 kun oo kale sidoo kale dhul gariirkaan ayaa waxaa uu saameyay wadamada deriska.

Telefishin Iran ayaa waxaa uu sheegay in madaxda ay ku dhawaaqeen howlihii badbaadinta iyo baadigoobka laga sameynayay kuwaas oo ka socday goobta uu ku dhuftay dhul gariirka.

Waxaa la filayaa inuu booqdo madaxweyne Xasan Ruuxaani goobihii uu ku dhuftay dhul gariirkaan gaar meelaha uu sida daran u saameeyay

Dhul gariirka ayaa waxaa laga dareemay guud ahaa wadanka Iran, waxaa uuna si gaara uga dhacay gobolka Kermanshah oo saddex maalin oo baroor diiq ah looga dhawaaqay.