U bood dhigaalka

Iran oo Qiratay Ridista Diyaaradda Ukrine

Sheeko:Amniga

Dalka Iran ayaa bayaan uu soo saaray maanta waxaa uu qirtay inuu soo riday diyaaradda Ukrine Airlines taasi oo ay ku dhinteen ilaa 178 qof.

Warka waxaa uu intaas ku daray in diyaaradda oo ag mareysay goob militari ay soo rideen ciidanka, arrintaasi ay ku dhacday qalad aadane.

Press TV oo soo xiganayey sarkaal Iran ayaa sidoo kale baahiyey in ay ka xun yihiin waxa dhacay, mas’uuliyadana ay qaadanayaan.

Markii uu shilka dhacay, dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday laakin Iran waa inkirtay.

Lama oga tallaabada xigta laakin arrinkan waxaa uu Iran ka dhigi doonaa dal go’doon ah taasi oo u daneyneysa Mareykanka.

Goobjoog News