U bood dhigaalka

Isbaarooyin Hor Leh Oo La Dhigay Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in isbaarooyin hor leh lasoo dhigay deegaankaasi iyo sidoo kale deegaanada kale ee ku dhaw.

Gudoomiyaha deegaanka Mareerey Sayid Baalle Mayow oo hadda banaanka ka jooga degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in Isbaarooyinkaan ay yihiin kuwo ay dhigteen rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dadka shacabka ah iyo darawallada gaadiidka ka xeynaya ay la kulmaan dhibaato jir dil iyo dhac u badan.

Guud ahaan deegaanka Mareerey ayuu sheegay in Isbaarooyinka yaalla ay gaarayaan 11, gaadiidkana ay hadda halis ugu jiraan inay socodkooda joojiyaan.

“Deegaanka Mareerey waxaa yaalla 11 isbaaro, shacabka ayaa lagu jirdilaa, dhibaato xooggan ayaa dadka meeshaan ku haysa, raggaan wax isbaaraysanaya waxay ku labisan yihiin dharkii Milatariga dowladda” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Shabellaha Hoose ayaa waxa aad ugu soo kordhaya isbaarooyinka, iyadoo dhawaan gobalkaasi ay ciidamada dowladda ka billaabaan howlgallo isbaaro qaadis ah.

Goobjoog News