U bood dhigaalka

Isbaarooyin Laga Qaaday Inta u Dhaxeysa Gaalkacyo Iyo Bandiiradley Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamo qaab deegaan u abaabulan, kana howlgala deegaanka Bandiiradley ee gobalka Mudug oo garab siinaya kuwa Booliiska ah ayaa ku guuleystay inay qaadaan Isbaarooyinka yaallay inta u dhaxeysa deegaankaasi iyo magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Bandiiradley C/risaaq Axmed Jaamac oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in Isbaarooyinkaan la qaaday ay ahaayeen kuwo lagu dhibi jiray dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in raggii Isbaarooyinkaasi dhigan jiray ay meesha ka carareen, islamarkaana ay haatan ku daba joogaan.

“Ciidamada ammaanka waa ay ku daba joogaan raggaan baxsadka ah, weyn carareen markii dhankooda la aaday, laakiinse waxaan ku dadaaleynaa in nabadda ay sidaan sii ahaato” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay in shacabka Bandiiradley ay go’aan mid ah ka qaateen Isbaarooyinka la dhigo deegaankaasi iyo meelaha ku dhaw, waxaana uu sheegay in Isbaaro dambe aysan soo laaban waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News