U bood dhigaalka

Isbaarooyin yaalay gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe oo la qaaday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada xooga dalka ee gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe Maxamed Maxamuud Xasan Qaafow ayaa sheegay in ciidamada ay qaadeen Isbaarooyin yaalay deegaano ka mid ah gobaladaasi.

Taliyaha oo wareysi siinayay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in ciidamada ay fuliyeen howlgalo culus, waxaana ay cagta mariyeen sida uu sheegay Maleeshiyaad Isbaaro u taalay gobaladaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Howlgalkaan ayaa bilawday maalintii shalay ahayd, sida uu taliyaha inoo sheegay, waxaana dhanka kale uu tilmaamay in gacanta ay ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii Isbaarooyinka dhiganaye.

Intaa waxa uu warkiisa ku daray in ay sii socon doonaan hawlgalada ka dhanka ah isbaarooyinka deedsan wadooyinka Gobolada Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News