U bood dhigaalka

Isbaarooyinka Gobalka Shabellaha Hoose Oo Xal Loo La’yahay

Sheeko:Dalka

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa isasoo tarayay cabashada dhanka isbaarada gobalka Shabellaha Hoose ah, iyadoo dhibaato loo geysto gaadiidka iyo shacabka ku safraya gobalkaasi.

Qaar ka mid ah Dawaralada kaxeysa gaadiidka oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in dhibaatada ugu daran ay taallo gobalka Shabellaha Hoose, islamarkaana Isbaarooyinka ay yihiin kuwo ay dhiganayaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka ah.

Darawaladaan qaarkood waxay sheegeen in shaqooyinka ay joojin doonaan, mar hadii aysan si nabad ah uga dhex shaqeysan karin gobalka Shabellaha Hoose.

Kaalinta Dowladda Ee Wax Ka Qabashada Isbaarada

Dowladda Federaalka Soomaaliya aad bay uga hadashay Isbaarooyinka shabellaha hoose, waxaana ay sheegtay in ciidamada dhibka ka geysanaya gobalkaasi aanay kuwa dowladda ahayn, balse ay yihiin Maleeshiyaad dharka ciidanka soo xirtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii September ee 2015 booqasho ku tagay degmada Afgooye isaga oo saraakiil ciidan hogaaminaya waxa uu aad ugu dheeraaday ka hadalka Isbaarooyinka.

Waxa uu sheegay in dowladiisa aanay u dul qaadan doonin Isbaaro loo dhigto shacabka, sidoo kalena lala dagaallamayo cid walba oo shacabka dhib ku haysa.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka Shabellaha Hoose, waxa uu kula dardaarmay in ay kaalin ka qaataan nabad galyada Shabellaha hoose, sidoo kale ay keenaan dhalinyaro ka mid noqda ciidamada ammaanka, si Shabellaha Hoose u noqoto meel Nabdoon.

Dhinaca kale Guutada Lixaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobalka Shabellaha Hoose, waxa ay ku qaadeen Isbaarooyin yaalla gobalka, gaar ahaan wadooyinka gala degmada Wanlaweyn, iyadoo lasoo qabtay qaar ka mid ah Ragga Isbaarada dhiganayay, hase ahaatee taasi ma aysan yareen Isbaaradii jirtay, kaliya waa ay sii badatay.

Maamulka Koonfur Galbeed

Gobalka Shabellaha Hoose, waxa uu maamul ahaan hoostagaa Koonfur Galbeed, waxaana maamulkaasi isna mar walba uu sheegaa in wax laga qaban doono isbaarada iyo dhib walba oo gobalka ka jira.

Gudomiyaha gobalkaasi C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo 13-kii September hadal jeediyay waxa uu sheegay in ciidan uu wadan doono lana dagaallamayo kooxaha dadka Isbaarada u dhigta.

“Waxaan wadan doonaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, Isbaaradana waan la dagaalayaa, meel walba oo ay galaanna waan ka daba gali doonaa” ayuu yiri Siidii.

Markii uu hadalkaasi sheegay waxaa kasoo wareegtay in ka badan 15 cisho, hase ahaatee illaa iyo haatan lama hayo tallaab uu qaaday.

Cabashada dhanka Isbaarada ah ee gobalka Shabellaha Hoose, waa mid soo noq noqotay, illaa iyo haatanna lama hayo wax xal ah.

Hadii dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed aysan degdeg wax uga qaban Isbaarooyinkaan waxaa macquul ah in gobalkaasi uu noqdo meel ka caagan safarka gaadiidka ah dhulka ah.

Goobjoog News