U bood dhigaalka

Isbaheysi Looga Soo Horjeedo Laftagareen oo Muqdisho Looga Dhawaaqay

Sheeko:Amniga

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay Isbahaysiga laga magac baxay samatabixinta Koonfur Galbeed, kadib markii ay kulan isugu yimaadeen siyaasiyiinta, waxgaradka, dhallinyarada kasoo jeeda maamulkaas, isbahaysigaan ayaa waxaa uu yahay mid looga soo horjeedo madaxweynaha talada haya Cabdicasiis Xasan( Laftagareen).

Isbahaysigaan aya waxaa ku jira mas’uuliyiin mug ku leh saaxada siyaasadda Soomaaliya iyo bulshada ku abtursata KGS, waxaana ku jira guddoomihii hore ee golaha shacabka Baarlamaankii 10-aad ee dalka  Professor Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, guddoomiye ku-xigeenkii golaha shacabka C/wali Muudey iyo madaxweynihii hore GKS Shariif Xasan Shiikh Aadn.

Isbahaysigaan ayaa waxaa ay sheegeen in muddo xileedka madaxweyne Laftagareen uu ku egyahay sanadkaan 2022,iyadoo ay jirto inuu madaxweynaha dhankiisa uu sheegay in muddo xileedkiisa uu ku egyahay sanadka dambe ee 23-ka, laftagareen ayaa xigaan waxaa uu wajahayaa xasarad siyaasadeed oo kaga imaanaysa siyaasiyiinta deegaankiisa oo uu iska fogeeyay.

Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay la daalo dhacayaan abaaro, colaado iyo go’doon ay Alshabaab ay galiyeen deegaanno badan oo dhaca gobollada Baay iyo Bokool, waxaana madaxweyne Cabdicasiis uu ku guuldareystay xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed oo gobolka Bokool laga gooyay ganacsiga, Al-shabaab ayaa dhowr jeer gubay ganacsiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa horay u sheegay in maamullada looga baahan yahay in ay la fariistaan siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragti duwan oo ay dhagaystaan fakarkooda, waxaana uu qiray in taas keeni doonto in bulshada deegaanka siyaasiyiinta iyo waxgaradku ay jeclaadaan hoggaanka jooga maamul goboleedka xiligaa jira.

Goobjoog News